Waxaa tobankii sano ee la soo dhaafay aad loo dareemay saameynta sii kordheysa ee dalka Turkiga uu ku yeelanayo caalamka.
Dalkan oo ku yaalla galbeedka qaaradaha Aasiya iyo qeyb ahaaan Yurub ayaa saameyntiisa milateri, midda dhaqaale iyo tan siyaasadeed aad loo dareemay sanadihii dambe.
Waxaa sidoo kale kobcay dhaqaalaha dalka Turkiga tobankii sano ee lasoo dhaafay sida ay sheegtay hey’adda lacagta adduunka ee IMF.
Dhanka saameynta milateri, Turkiga waxaa uu noqday dalka ugu awoodda badan dhanka milateriga ee dalalka bariga dhexe, waxaana muddooyinkii dambe uu hawlgallo milateri ka sameeyay dalalka Suuriya, Libya, dagaalka u dhaxeya Armenia iyo Azerbaijan, Qatar oo uu ka sameystay saldhig milateri iyo Soomaaliya oo uu ku leeyahay saldhigga milateri ee ugu weyn qaaradda Afrika.
Haddaba waa kuma ninka hogaaminaya awoodda sii fideysa ee Turkiga?
Madaxweyne Rajab Teyib Erdogan oo asal ahaan kasoo jeeda Magaalada Rize, waxaa uu ku dhashay magaalada Istanbul ee dalka Turkiga, 26-kii bishii Febraayo sanadkii 1954, walow dadka qaar ee wax ka qora taariikhdiisa ay ku andacoonayaan in isagoo yar ay qoyskiisa usoo guureen Istanbul.
Waxaa uu wax ku bartay iskoolka hoose dhexe ee Kasimpasa sanadki, halka dugsiga sarena uu kaga baxay iskoolla sare Imam Hatib, halkaas oo uu ku bartay barashada diinta Islaamka. Markii uu dhameeyay waxbarashada hoose, waxaa uu ku biiray mac-hadka Eyub, wuxuuna sidoo kale shahaadada koowaad ee jaamcadda ka qaatay jaamacadda Marmara, halkaas oo uu ka bartay maamulka iyo dhaqaalaha sanadkii 1981.
Aabihii waxaa uu ahaa dadka kaxeeya doomaha, waxaana wakaaladda wararka ee Reuters oo soo xiganeysa dad wax ka qoray madaxweyne Erdogan taariikhdiisa ay sheegeen in yaraantiisa uu rooti iyo liin uu ku iibin jiray waddooyinka xaafadda Kasimpasa ee magaalada Istanbul, lacagta uu ka helana uu isaga bixin jiray waxbarashada.
Dadka wali ku ganacsada wadadad Kasimpasa, madaxweyne Erdogan waxay u arkaan in uu yahay mid kamid ah iyaga. Dhammaan biibitooyinka ku yaalaa xaafadaas waxaa ku dhegan sawiradi hore ee Erdogan oo xiran dharka kubadda cagta lagu ciyaaro.
“Aad ayaan ugu faanaa,” ayay tiri Adnan Savas oo 45 sano jir, lana hadleysay wakaaladda wararka ee Reuters.
“Waxaad kasoo jeedi kartaa Kasimpasa, walina waxaad noqon kartaa ra’iisul wasaare ama madaxweyne, marka horumarka uu nolasha ka gaaray waxay dhiiragellin u tahay caruurta iyo in ay dedaali karaan”.
Dadka ku nool xaafadda Kasimpasa ee degmada Kulaksiz waxay sheegaan in Erdogan ay u arkaan nin kamid ah dadka xaafadda oo waddooyinka rooti ku iibin jiray, kubadana ku ciyaari jiray xaafadda.
Madaxweyne Erdogan ayaa yaraantiisa la sheegaa in uu aad u ciyaari jiray kubada cagta, waxaana hadda lagu tilmaama in uu yahay hogaamiyaha dalalka fara ku tiriska ee Islaamka, dimuqraadiyadana ay ka jirto.
Timothy Ash, oo ah khabiir arrimaha dhaqalaaha ayaa shegay in Turkiga uu yahay dal dhaqaale ahaan isku kalsoon.
“Turkiga dhaqaale ahaan waa uu isku kalsoon yahay oo kobac dhaqaale ayuu sameynayaa, gaar ahaan wax soo saraka gudaha oo aad u xoogan balse waxaa uu walaac ka taagan yahay dhanka awoodda iyo isku adkeynta,” ayuu yiri Timothy Ash.
Yasar Ayhan, oo madaxweyne Erdogan timaha u jari jiray, aabahiisna ay saaxiibo ahaayeen Erdogan ayaa sheegay in 16 sano uu yaqiinay Rajab Erdogan, waxbadanna uu ka badelay dhaqaalaha Turkiga.
“Markii aan dalka Sacuudiga u aaday Xaj, sanadkii 1998, ma jirin cid qaadaneysay lacagta halka milyan ee Lira ee Turkiga oo waxaan isku dayay in aan sarifto oo aan ku badesho lacagta Sacuudiga balse markii aan dalka sacuudiga dib ugu laabtay 2010-kii, boqolkii Lira waxaan ku badeshay 250 lacagta Sacuudiga, markaa ayaan ogaaday in hadda ay nolal ka jirto dalka Turkiga,” ayuu yiri Ayhan.
Inkastoo dadka dhaliila ay ku tilmaamaan “kelligii taliyaha dunida dimuqraadiga ah”, haddana waxaa Erdogan lagu tilmaamaa in uu waxbadan ka badelay muuqaalka dunida ka heysatay dalkiisa.
Horraantii sanadkii 2001, muddo dhan afar bilood ayuu madaxweyne Erdogan xabsiga ku jiray, markii lasii daayayna waxaa uu bilaabay hirgelinta mabaad’ida xisbiga uu hogaamiyo ee AK party, maadama xillgaas dalka Turkiga ay ka jirtay guux dadweyne oo ah in uu dalka isbadel ka dhaco.
Waxaa uu marar badan soo noqday ra’iisul wasaare, haddana waxaa uu markii labaad yahay madaxweynaha Turkiga, isagoona baddelay dastuurka dalkaas. Sidoo kale Erdogan waxaa uu horay usoo noqday duqa magaalada Istanbul.
Ka siyaasi ahan, waxaa lagu tilmamaa in uu yahay ra’iisul wasaarihii ugu guusha badnaa iyo shakhsi markii uu xabsiga kasoo baxay ku guuleystay doorasho, sarena u qaada halka dalka Turkiga uu ka taagnaa dunida.