Madaxweyne Erdogan Oo Wacad Ku Maray In Uu Garab Is Taagayo Azerbaijan Oo Dagaal Kula Jirta Armenia

0
15

Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdoğan ayaa sheegay in dalkiisa uu garab taagan yahay Azerbaijan tan iyo inta laga xoreynayo gobolka uu dagaalka ka socda ee Nagorno-Karabakh.

Ciidammada Azerbaijan iyo kuwa Armenia ayaa ku dagaallamayaa gobolkaas lagu muransan yahay, dagaalka ayaa galay maalinkii lixaad.

“Waxay qalbiyadeena la jiraan walaalaheen iyo saaxibadeen Azerbaijan, Turkiga wuxuu hiil iyo hooba la garab taagan yahay Azerbaijan, dagaalka wuu sii socon doonaa tan iyo laga xoreynayo gobolka Nagorno-Karabakh”

Erdogan waxaa uu sidoo kale sheegay in ciidamada Azerbaijan ay howlgal xooggan ka fuliyeen gobolka isla markaana ay gacanta ku dhigeen deegaano badan.

“Armenia waxay mar kale weerar ku qaaday dhulka Azerbaijan, Azerbaijan waxay bilowday howgal xooggan, Armenia waxay waajaheysaa natiijo ayna fileyn, xilli ay horumar ka gadhayaan dagaalka ciidamada Azerbaijan waxaa u suuro gashay inay qabsadaan deegaano badan” ayuu yidhi Erdogan.

Armenia waxay sheegtay in Azerbaijan ay weerar ku qaaday caasimadda gobolka Nagorno- Karabakh xilli dagaallada ay socdaan.

Saraakiisha waxay sheegeen in tiro dad ah ay ku dhawaacmeen bambaanooyinka lagu riday caasimadda Stepanakert, burbur ayaa ka dhashay weeraradaas.

Armenia waxay sheegtay inay ku rajo weyntahay in la gaadho xabad joojinta ay soo jeediyeen Ruushka, Mareykanka iyo Faransiiska balse Azerbaijan wey ku gacan seydhay baaqaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here