Paris:-(saxilnes) Waxaa lagu tilmaamay in uu yahay wiilkii dahabiga ahaa ee Yurub, wuxuu balanqaaday nooc cusub oo siyaasad ah, waxaana loo arkay in uu yahay rajada ugu wayn ee Faransiiska maadaamaa uu ahaa hoggaamiyihii ugu da’da yaraa ee dalkaasi soo mara.
Balse todobaadyadii lasoo dhaafay waxaa hoos u dhacay taageerada loo hayo in ka badan dhammaan hoggaamiyeyaashii ka horeeyay isaga. Waxa uu hadda wajahayaa wadahadlo adag oo ku saabsan sharciga shaqaalaha.
Emmanuel Macron waxa uu jecelyahay in uu aad u hadlo, doorashadiisii ka hor waxa uu saacado badan la qaadan jirey wariyeyaasha, isaga oo sidoo kale kulamo aan qorsheynayn la yeelan jirey taageerayaashiisa, taasi oo markii dambe horseedday guushiisii layaabka lahayd.
Saaxiibadiisa cusub, kuwii illaa caruurnimadiisii iyo xitaa macalimiintii wax soo baray waxa ay bogaadiyeen dabeecadiisa hadalka, waxaana la sheegay in hadalkiisa wanaagsan ay tahay sababta uu qalbiga oga xaday xaaskiisa ka weyn ee Grigitte.
Haseyeeshee waxaa aad loola yaabay in bilihiisii ugu horeeyey ee madaxtinimada uu shibta iska galay, shirar jaraa’id oo yar ayaa la qabtay, waxaana la mamnuucay wararka warbaahinta hoosta looga gudbiyo.
Macron waxa uu diiday habkii madaxweynihii ka horeeyey ee xiriirka uu ula lahaa saxaafadda, wuxuuna doorbiday in uu aad u gaabsado.
Waa ay sahlantahay in la iska aamuso marka xaaladu wanaagsantahay, balse marka ay dhacayaan isbadalo saamayn kara sumcadiisa, waa arrin kale.
Laga soo bilaabo bishii June, Macron waxa uu lumiyey seddex meel hal meel oo ka mid ah taageeradii loo hayay sida lagu sheegay ra’yi uruurin cusub oo ay samaysay shirkadda Ifop. Dadka ku faraxsan isaga waxa ay hoos ugu dhaceen illaa 40%, halka kuwa aanan ku faraxsanayn ay kor ugu kaceen illaa 57%.
Lahaanshaha sawirkaAFPImage caption“Macron waa uu qoslayaa, waddooyinkana waa laga qeylinayaa” ayaa ku qoran boor ay wataan dad banaanbax dhigayay oo kasoo horjeeda qorshaha shaqaalaha dowladda Faransiiska
Waa hoos u dhicii ugu degdegta badnaa ee taageerada loo hayo madaxweyne Faransiis ah illaa sanadkii 1995-tii.
Ururka ugu weyn ee shaqaalaha Faransiiska Medef waa ay ku faraxsanyihiin qorshaha Macron ee ku saabsan isbadalka lagu samaynayo sharciga shaqaalaynta iyo eryidda shaqaalaha.
Balse waxa ay dowladda caro badan kala kulantay ardayda iyo dadka kale oo ku eedeynaya in dowladda ay u xaglineyso dadka taajiriinta ah, halkii la caawin lahaa fuqurada.
Waxaa si xooggan looga horyimid qorshaha lagu jarayo kaalmada dadka iyo canshuurta, waxayna u badantahay in xisbiyada mucaaradka ay awooddoodu kororto xili hoggaamiyeyaasha ururada shaqaalaha qaarkood ay isu diyaarinayaan in ay dagaal kala hortagaan dowladda iyo qorshaheeda wax ka badalka sharciga shaqaalaha.
Macron waxaa lagu eedeeyey kaligii talisnimo kadib markii uu muran ka dhashay miisaaniyadda ciidamada, taasi oo markii dambe horseeday in uu is casilo taliyihii guud ee ciidamada Faransiiska Jeneraal Peirre de Villiers.
“Haa caqabo ayaan wajahaynaa” ayuu yiri afhayeenka dowladda Christophe Castaner oo la hadlay taleefishinka Faransiiska ee BFM “Balse ma ahan in aan waqtigeena ku lumino aragti uruurin la sameeyey, shaqo badan ayaa inoo taala” ayuu intaas raaciyey.
Walwalka haysta Macron ayaa ah halista kaga iman karta mustaqbalka isbadalada ay samaynayaan, iyaga oo maanka ku haya in guushii doorashada ay ahayd mid inteeda badan ku timid nacaybka ay codbixiyeyaasha u qabeen haweeneydii bidixda fog ee Marine Le Pen awgeed.
Layaabna malahan in madaxweynaha uu hadda isbadal ku sameeyay xiriirkiisa saxaafadda, todobaadkii hore waxa uu casuumaad u fidiyey seddex wariyeyaasha Faransiiska ah in ay ku wehliyaan safar diyaarad dusheeda ah si loola yeesho waraysi aanan la duubaynin.
Wariyeyaashan ayaa waxa ay sheegeen in Macron iyo dowladiisaba ay albaabada u furi doonaan saxaafadda mustaqbalka, waxaana la dabcin doonaa xayiraada la saaray saxaafadda, iyada oo la joogtayn doono hadalada uu madaxweynaha u jeediyo dadweynaha.
Maadaamaa xisbiga Macron ee LREM uu haysto aqlabiyadda baarlamaanka, dagaalka ku saabsan isbadalka dowladda waddo waxa uu ka dhici doonaa dariiqyada, guryaha iyo xafiisyada dhexdooda, waxaana loo baahan doonaa qorshe xiriir oo ka duwan kii hore