MADAXWEYNE BIIXI OO KA HADLAY DURUUFTA SHAQAALAHA, XILLI AANAY WELI MUSHAHAR QAADAN

0
24

Hargeysa(saxilnews.com)-Madaxweynaha Somaliland mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa sheegay in shaqaalaha dawladdu ku shaqeeyo mushahar aad u hooseeya marka la eego saacadaha ay shaqeeyaan. Waxa uu tilmaamay in ay dalka ugu shaqeeyaan mutadawacnimo waxaana xusid mudan in shaqaalaha uu la hadlayay madaxweynuhu aanay ilaa hadda mushaharkii bishii hore qaadan.

Madaxweynaha oo shaqaalaha caafimaadka la hadlayay ayaa tilmaamay duruufaha ay dadka ugu shaqeeyaan “Bahda caafimaadka inbadan baynu wada hadalnay, Qaranka halka aad u haysaan waynu ka wada hadalnay, marka aynu soo koobno naftood hureyaal uun baad tihiin odhan Karin mayno shaqaalaha caafimaadka waayo shaqaaluhu waa qofka 8 ilaa 10 saacdood shaqeeya ee la siiyo ujuuro ku filan wakhtiga uu shaqeeyay. Run ahaan dhakhtar, neeras, kalkaaliye iyo nadiifiso intiina shaqaysa cisbitaalku inta aad u hurdaan dadkiinu waa idiin og yahay in aad ugu shaqaysaan mutadawac oo aynaan odhan Karin ujuuro ku filan baa la siiya dadka shaqaalaha ah dalkuna sidaas uun buu ku dhismaya dad badan oo idinla mid ahna wuu jira; macallimiinta ka mid ah, wasaaradaha badankoodo dhan baa ka mid ah,” Sidaas ayuu yidhi madaxweyne Biixi.

Madaxweynaha oo la hadlaya shaqaalaha dawladda ayaa sheegay in haddii ay iyagu horumar ku sameeyaan mutadawacnimada ay jiilasha dambe heli doonaan shaqo xuquuq leh oo mushahar iyo beeshan sax ah lagu helo.

Bulshada Somaliland ayaa si weyn u hadal haysa sababta keentay in aanay shaqaalaha dawladda ee wasaaradaha iyo goleyaasha qaarkood ilaa hadda u qaadan mushahar iyada oo aan la ogayn in xukuumaddu wajahayso dhaqaale la’aan iyo in sababo kale jiraan.

Afhayeenka xisbiga WADDANI Md Barkhad Jaamac Batuun ayaa maalmihii la soo dhaafay sheegay in aanay caqli gal ahayn in shaqaalihii Qaranka u adeegayay ilaa hadda wax mushahar ah qaadan. Waxa uu madaxweynaha ku eedeeyay in aanu baahiyaha bulshada ku salayn hawl qabadkiisa

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here