Madaxweyne Biixi Iyo Guddoomiye Faysal Cali Waraabe Oo Siyaasadda Ku Sii Kala Foggaanaya, Faysal Oo Khamiista La Filayo In Uu Waji Cusub Oo Mucaarad-nimo La Yimaaddo

0
17

Hargeysa(saxilnews):-Ka dib kulankii dalka Belgium ku dhex-maray guddoomiyaha Xisbiga UCID Inj.Faysal Cali Waraabe oo uu weheliyo Aqoonyahan Cali Khaliif Galeydh iyo Madaxweynaha dawladda Faderaalka ee Somaliya, waxa si weyn u soo shaac baxdey sida ay siyaasadda ugu sii kala foggaanayaan Madaxweynaha Somaliland Md.Muuse Biixi Cabdi iyo guddoomiyaha Xisbiga UCID Inj.Faysal Cali Waraabe.
Wararka soo gaadhaya Wargeyska Waaberi iyo weliba sida oo kale dhawaaqii uu hore uga dhawaajiyey Madaxweyne Biixi ee khuseeyey kulanka dhex-maray Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweyne Farmaajo, ayaa muujinaaya sida ay Xukuumadda Madaxweyne Biixi uga xun tahay tallaabada uu qaadey guddoomiye Faysal, waxaana go’aano wax ka bedal iyo kaabis lagu sameynaayo oo loo qeybiyey Golaha Wakiilada isla mar ahaantaana khuseeya xakameynta shakhsiyaadka ka qeyb-gala shirarka loo qabto dalka Somaliya la la xidhidhinayaa in ay ka dhasheen kulamo is-daba-joog ah oo ay Xukuumaddu ka yeelatay siddii tallaabo loogga qaadi lahaa guddoomiyaha Xisbiga UCID sida uu hore ugu goodiyey Madaxweyne Biixi.

Go’aamadan oo shalay loo qeybiyey golaha Wakiilada, ayaa qodobada ku jira ay ka mid yihiin in tallaabo laga qaado shakhsiyaadka ka soo jeeda Somaliland ee iyaga oo aan loo igman ka qeyb-gala shirarka khuseeya dalka Somaliya maaddaama oo ay laba dawladdood kala yihiin Somaliland iyo Somaliya, waxaana ay u dhignaayeen sidan:-

1.In cid alaale iyo ciddii ku abtirsata umadda Jamhuuriyadda Somaliland, dawlad, shicib, afraad, ururo amaba axsaab, NGO-yada, aqoonyhanada, madax-dhaqameedyada,
sugaanyahanada iyo dhammaan ba noocyada ururada bulshada aanay sinaba uga qayb-geli karin shir kasta iyo arrin kasta oo lagaga hadlayo hindiseyaasha Somaliya ama lagu heshiisiinaayo dhinac ka mid ah kooxaha Soomaaliya ama iyagoo isku dhanba ah(Qodob ubuc u ah xeer baarlamaanku ansixiyay 2003).

2.In cid alaale ciddii ku abtirsata Jamhuuriyadda Somaliland ee ka qeyb-gasha shir ama abaabusha ama ku taageerta sifo kasta(sida qowl, ficil iyo qoraal ba) loo aqoonsado Dambiile Khiyaamo Qaran oo ay waajib ku tahay dhammaan ba hay’adaha ku shaqada leh in ay hor keenaan Maxkamadaha xaqa u leh iyadoo la raacayo xeerarka u tilmaamay Dastuurka ee qodobka 130aad iyo 5aad.

2.Gaadiidka, cir, dhul iyo bad ba ee loo adeegsado ama qaada hawl-galkaas in laga qaadayo ruqsadda sharciga ama tan gaar ahaaneed ee ganacsiga.

Xoghayaha Golaha Wakiilada Somaliland Md.Cabdirisaaq Siciid Ayaanle oo isagu na la hadlay Warbaahinta, ayaa carabka ku dhuftay in Xukuumadda oo keliya loo oggol yahay ka qeyb-galka shirarka ay u aragto in ay dan ugu jirto Somaliland, waxaana uu tilmaamay in marna ba aan shakhsiyaad loo oggolayn ka qeyb-galka shirarkaasi.

“In Xukuumadda Somaliland ka qeyb-gasho shir kasta oo dani ugu jirto Somaliland kana hor imaneyn jamhuuriyadda Somaliland madax-bannaanideeda,qaranimaddeeda iyo dastuurka, markaa go’aanku waa kaabis oo waxa keliya ee loo igmaday waa uun Xukuumadda laakiin cid kale oo shakhsiyaad ah looma igman. Shakhsiyaad kale na kama qeyb-gali karaan laakiin cidda loo igmaday waa Xukuumadda uun weeye, sidaas baana maanta looggu qeybiyey xildhibbaanada Golaha Baarlamaanka.”. Ayuu yidhi Cabdirisaaq Siciid Ayaanle
Xoghaye Cabdirisaaq oo sida oo kale hadalkiisa sii wata, ayaa ay warbaahintu weydiisay in go’aamadan loo qeybiyey Golaha Wakiilada ay khuseeyaan kulankii dhex-maray Faysal Cali Waraabe iyo Madaxweyen Farmaajo, waxaana uu kaga jawaabay sidan:- “Arrintaas waxa aad weydiin doontaan shir-guddoonka laakiin anagu waanu qeybinay uun.”.

Madaxweyne Biixi oo isagu na hore u hadlay, ayaa sheegay in kulanka Faysal iyo Farmaajo ay amakaag ku noqotay isla mar ahaantaana la arki doono waxa ay ku dambeyso, waxaana uu sheegay in arrintaasi ay tahay wax aan dhici karin
“Shirka Brussels, waxa loo qabtay Somaliya iyaga ayaana arrimahooda laga ga hadlaayey, meel na kumeynaan lahayn, waana aynu isku diidnay qaabkii loo qabanaayey iyada oo ay arrintu halkaas taagan tahay ayaa shirkaas waxa tagay guddoomiyahii Xisbiga UCID, maanan oggeyn, naga lamuu tashan, tallo-na kumaanan lahayn, waana wax inagu cusub, waana arrin u baahan in dib la iskaga arko arrintaasi isaga iyo ciddii la socotay ba amakaag bay nagu noqotay oo xattaa maan oggeyn in uu baxaayo oo isagoo Farmaajo la jooga dee amakaag bay noqotay, mana dhici karto, waana la arki doonaa wixii ay ku dambeyso.”.Ayuu yidhi Madaxweyen Biixi

Dhinaca kale, xidhiidh uu Wargeysku la sameeyey Xisbiga UCID, ayaa waxa ay sheegeen in guddoomiye Faysal uu yahay shakhsi aan loogga baqaneyn qaranimada Somaliland isla mar ahaantaana ay aad uga xun yihiin in golaha Wakiilada loo soo gudbiyo go’aamo la doonaayo in lagu waxyeeleeyo sumcadda guddoomiyahooda.

Guddoomiye Faysal Cali Waraabe oo hada ku sugan wadanka Imaaraadka, ayaa la filayaa in uu dalka dib ugu soo laabto maalinta Khamiista, waxaana Madaarka ku soo dhaweyn doona taageerayaal tiro badan oo ka tirsan Xisbigaasi iyada oo sida oo kale na uu halkaas kaga hadli doono arrimo badan oo khuseeya kulankii dhex-maray isaga iyo Farmaajo iyo weli ba sida oo kale sida uu u arko dhawaaqii isaga ku aadanaa ee ka soo yeedhay Madaxweyne Biixi.

Arrintan siyaasaddeed, ayaa u muuqata mid aad u kala foggeynaysa Madaxweyne Biixi iyo guddoomiye Faysal Cali Waraabe, waxaana dhici karta in guddoomiye Faysal uu imaatinkiisa wadanka la yimaado siyaasad ka duwan tii hore oo sababi karta in ay sii xooggeysato mucaaradada Xisbiyada mucaaradka Somaliland.

Eng Faysal ayaa intii uu xilka hayay Madaxweyne Biixi si weyn u barbar taagna isaga oo si weyn uga difaacay dagaallada Somaliland kaga imanayay xukumadda Muqdisho taas oo dadka qaar ku xanteen in guddoomiyaha UCID ciyaaray doorkii afhayeenka xukumadda madaxweyne

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here