Moscow (SAXILNEWS)_Madaxweynaha dalka Siiriya ayaa markii ugu horresey la kulmay dhiggiisa dalka Ruushka Vladamir Putin, laga bilaabo dagaaladii ka bilaabmay dalka Siiriya sannadkii 2011-kii.
Hoggaamiyeyaasha ayaa falanqeyn doonaa sidii la iskaga kaashan lahaa la dagaalanka kooxaha mucaaradka ah ee ka dagaalamaya waddanka Siiriya, kuwaasi oo ka soo horjeeda xukuumadda Assad.
Af-hayeen u hadlay aqalka Krimlin-ka ayaa sheegay inuu madaxweyne Assad soo gaadhay dalka Ruushka salaasadii shalay.
labada madaxweyne ayaa rajo fiican ka muujiyey kulanka ay wada yeelan doonaan.
MAXAMED ILKACASE
BERBERA2002@GMAIL.COM