Madaxweynaha wuxuu isu diyaarinayaa dagaal kale oo uu Ra’isulwasaaraha ku qaado”

0
19

Tan iyo itii xalay uu hadaljeedin aad loo sugayay uu sameeyay madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo, waxaa siyaabo kala duwan aragtiyo looga dhiibanayay turjumaadda iyo waxa ay daarnayd khudbadii madaxweynaha.

Hadaljeedinta madaxweynaha ayaa ahayd wixii loogu hadal hayn badnaa 12-kii saacadood ee lasoo dhaafay, iyada oo ay aad ugu kala qeybsanaayeen taageerayaasha madaxweynaha iyo taageerayaasha dadka ka aragtida duwan.

Mudane Daahir Isaaq Qoriyoow oo ka faalooda arrimaha siyaasadda Soomaaliya ayaa qaba in hadalka madaxweynaha uu isugu soo biyo shubanayo olole doorasho iyo qof soo bandhigaya waxqabadkiisa.

“Madaxweynaha meel uu ku yiri doorasha ayaan rabaa illaa iyo hadda lama hayo, laakiin sida uu warkiisa u dhigay waxaa loo fasiri karaa nin siyaasi ah oo soo bandhigay waxqabadka dowladdiisa, waxaa hadalkiisa laga dhadhamin karaa in madaxweynaha uu ololihiisa doorashada soo bandhigay” ayuu yiri Daahir Isaaq oo BBC-da la hadlay.

Dhanka kale Cabdiraxmaan Cabdishakuur oo ka mid ah hoggaamiyeyaasha mucaaradka ayaa qaba in madaxweynaha uu saan gadanayo, khudbadaya uu kaga gudbayo xaalado siyaasadeed oo taagan “Sidiisaba Maxamed Cabdullaahi Farmaajo marka uu cadaadis jiro oo ay xaaladda ku culustahay waa uu is daad raaciyaa, wuxuuna iska dhigaa nin la socda dadka meesha ay u socdaan”.

Cabdiraxmaan wuxuu aaminsanyahay in madaxweynaha uu waqti iibsanayo, kadibna uu doonayo in uu intaasi isku sii abaabulo si uu u qaado tallaabooyin siyaasadeed oo dagaal huwan, wuxuuna ku baaqay in aysan ku kadsoomin.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisii xalay ku sheegay in uu taageersanyahay heshiiskii madasha wada tashiga ee dhanka doorashada.

Madaxweynaha iyo Ra’isulwasaaraha

Madaxweyne Farmaajo ma uusan soo hadal qaadin khilaafkii kala dhaxeeyay Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble oo uu horey u sheegay in uu shaqada ka fariisiiyay.

Cabdiraxmaan Cabdishakuu waa hoggaamiyeyaasha mucaaradka ee illaa hadda ka hadlay khudbadda madaxweynaha

Falanqeeye Daahir Isaaq wuxuu yiri “Madaxweynaha khudbadiisa waxa ay ahayd 9 daqiiqo iyo dheeraad, halmarna ma uusan soo hadal qaadin magaca Ra’isulwasaaraha , doorkiisii uu ka qaatay madasha wadatashigana muu sheegin, balse warmurtiyeedkii ayuu aqbalay, hadalo dadka qaarkood u faristeen in ay xanaf leeyihiin buu sheegay, waana loo fasiran karaa in uu Ra’isulwasaaraha ula jeedo”.

Madaxweynaha ayaa khudbadiisa ku sheegay in la dhawro hantida qaranka, lana illaaliyo ammaanada shacabka u dhiibteen madaxda.

Horey madaxweynaha waxa uu Ra’isulwasaaraha ugu eedeeyay ku tagrifal hantida qaranka.

Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxa uu qabaa in madaxweynaha uu maaganyahay dagaal uu ku qaado Ra’isulwasaaraha.

Madaxweynaha iyo Ciidamada

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisii aad uga hadlay dhismaha ciidamada oo uu sheegay in horumar culus laga gaaray, isaga oo ka digay farogalin shisheeye.

Hase yeeshee Cabdiraxmaan Cabdishakuur ayaa sheegaya in ciidamada uu madaxweynaha u isticmaalay dagaalo siyaasadeed iyo qaabab ka baxsan hawshii loogu talogalay.

Falanqeeye Daahir Isaaq ayaa isaga qaba in soo hadalqaadista ciidanka iyo dhallinyarada ee madaxweynaha ay tahay arrin uu ku xoojinayo ololihiisa siyaasadeed

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here