MADAXWEYNAHA SOMALIYA OO XALAY LA KULMAY SARAAKIISHA DOWLADDA IYO AMISOM + (SAWIRO).

0
17

Muqdisho (SaxilNews) Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa xalay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kulan Casho Sharaf ah ugu sammeeyay Taliyeyaasha Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM.

IMG_3375

Kulanka ayaa waxaa goobjoog ahaa Xubno ka tirsan labada gole ee dowladda, Safiirada dalalka Ciidamada ay ka joogaan Soomaaliya iyo Taliyeyaasha Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed.

Madaxweynaha ayaa hadal dardaaran u jeediyay Saraakiisha Ciidamada, ayaa faray in la xoojiyo howlgalka kadhanka ah Maleeshiyaadka Kooxda Al-shabaab.

IMG_3386

Sidoo kale Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in ciidamada xoogga dalka iyo AMISOM ay sugaan ammaanka Goobaha ay doorashada ka dhici doonto, si looga hortago iskuday kasta oo kooxaha argagixisadu ku doonayaan in ay ku carqaladeeyaan Ammaanka goobaha loo qorsheeyay in doorashadu ay ka dhacdo.

IMG_3402

Madaxweynaha ayaa sheegay shirka Bisha Septembar ay martigalin doonto Soomaaliya, kaasoo uu xusay in lagu qiimeyn doono Xaaladda Ammaanka iyo is bedelka dhinaca hormarka ee ay ku tallaabsatay Soomaaliya.

IMG_3411

Dhowaan ayay aheyd markii Saraakiisha Ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ay uga hadleen sidii loo dar dar gelin lahaa howl galada ka dhanka ah Al-Shabaab.




IMG_3403
IMG_3412IMG_3415

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here