Madaxweynaha Somaliya Oo Saaka Dib Ugu Soo Laabtey Moqdisho Iyo Arimaha Uu Ka Hadley

0
27

 

Moqdisho (Saxilnews):- Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo wafdi uuhogaaminayay ayaa saaka dib ugu soo laabtey magaalada Moqdisho , kadib markii magaalada London uga soo qeyb galeen shir looga hadlayay arimaha Soomaaliya.

 

Madaxweynaha iyo Wafdiga la socday waxaa garoonka diyaaradaha Aadan Cadde kusoo dhaweeyay masuuliyiin katirsan dowlada Soomaaliya oo isugu jiray Wasiiro, Xildhibaano katirsan labada Aqal iyo saraakiil ciidan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa sheegay in shirkii ka dhacay magaalada London ee looga hadlayay arimaha Soomaaliya uu kusoo dhamaaday guul , waxa uuna tilmaamay in dowladiisa ay ka shaqeeneyso dhisida ciidan qaran oo difaaca dalka iyo dadka Soomaaliyeed.

Sidoo kale madaxweynaha Soomaaliya ayaa sheegay in dowladiisa isku diyaarineyso sidii ay dagaal ula gali laheed kooxda Al Shabaab uu sheegay in qatar ku tahay amaanka, waxa uuna ka codsaday beesha Caalamka in cunaqabteynta hubka laga qaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here