MADAXWEYNAHA SOMALIYA OO LOOGU BAAQAY IN UU XILKA BANEEYO

0
14

Moqdisho (SaxilNews):-  Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa loogu baaqay inuu xilka baneeyo marka la gaadho 10-ka bisha September, xilligaasoo ay ugu ku eeg tahay waqtigiisa madaxweyne nimo .

 

Kulan ay shalay ku yeesheen magaalada Muqdisho Isbaheysiga Xisbiyada Siyaasada ayaa waxay ku sheegeen inay ka soo hor-jeedaan in muddo kordhin loo sameeyo Madaxweynaha, isla markaana sida dastuurka ku cad uu waqtigiisa ku eg yahay 10-ka bisha September.

Guddoomiyaha Isbaheysiga Xisbiyada siyaasada Cali Nuux oo akhriyay war murtiyeedka laga soo saaray kulanka ayaa sheegay inay ka soo hor-jeedaan dhamaan qodobada ka soo baxay shirka Madasha Wada-tashiga qaran, isla markaana ay yihiin kuwo iska hor-keenaya shacabka Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xoghayaha Guud ee Xisbiga Daljir Amb. Axmed Macalin Fiqi ayaa sheegay in 10-ka bisha September marka la gaadho ay sharciyada ka dhamaatay Madaxweynaha, isla markaana loo baahan yahay in Guddoomiyaha Baarlamaanka si Ku meel gaadh ah  xilka Madaxweynaha u qabto, sida ku cad Dastuurka.

Go’aanadii ka soo baxay shirka Madasha Wada-tashiga Hoggaamiyeyaasha qaran ayaa ku xusnaa in muddo 50-maalmood dowladda waqtiga loogu daray, isla markaana Madaxda dowladda ay xilka sii heynayaan, iyadoo 29 October la dooran doono Madaxweyne.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here