Madaxweynaha Somaliya Oo Digniin Soo Saaray

0
22

Moqdisho (SaxilNews):- Madaxweynaha Somaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay

xasillooni darro siyaasadeed oo xiligaan ka dhacda degaanada Dowladda Gobolleedka Galmudug oo horumar ku tallaabsaday mudada uu jiray

Madaxwweynaha ayaa sheegay inaan xiligaan la aqbali karin khalalaase siyaasadeed ee u dhaxayeeya Xildhibanaada iyo Madaxda dowlad Gobolleedka Galmudug , iyada oo la ilaalinayo ,Habraaca Baarlamaanka Galmudug islamaraana la dhowro fasaxii uu ku jiray Baarlamaanka Galmudug iyo Dastuurka Galmudug

Ugu dambeyntii Madaxweynaha ayaa ku baaqay in la texgeliyo daruufaha gaarka ah ee ka jira degaanada Galmudug, sida abaaraha iyo dagaalka lagula jiro Kooxaha Nabad diidka ah.

Xubnaha Baarlamaanka Galmudug oo shalay fadhi ku yeeshay Magaalada Cadaado, ayaa sheegay 54 Xildhibaan inay xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug, inkastoo C/kariin uu ka soo horjeestay arintaasi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here