Madaxweynaha Somaliland Oo Dhambaal Tacsi ah u Diray Boqortooyada Sucuudiga

0
61

Madaxweynaha Somaliland Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa dhambaal tacsi ah u diray B oqortooyadda Sucuudiga oo uu ka tacsiyadeeyay geerida Boqorkii dalkaasi Boqor Cabdalla Bin Cabdicasiis oo ku geeriyooday xalay cisbitaal ku yaalla magaalada Riyaad ee dalkaasi Sucuudiga.

Sidaasna waxa madaxweynuhu ku sheegay dhambaal tacsi ah oo uu caawa soo saaray afhayeenka madaxtooyadda Axmed Saleebaan Dhuxul, kaasi oo u dhignaa sidan:-

“Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland, Mudane, Axmed Maxamed (Siilaanyo) isaga oo ku hadlaya magaciisa iyo kan shacbiga Somaliland, waxa uu tacsi u dirayaa, Boqortooyada Sucuudi Arabiya, isaga oo ka tacsiyadaynaya geerida ku timid Alle ha u naxariistee, Boqor Cabdalla Bin Cabdicasiis Aala sucuud oo 23.01.2015 ku geeriyooday dalkaasi Sucuudiga.

Madaxweynuhu waxa uu Alle uga baryayaa inuu naxariistii janatu-fardawsa ka waraabiyo, Qoyskii, Ehelkii, Qaraabadii, iyo boqortooyada Sucuudi arabiyana samir iyo iimaan ka siiyo marxuumka.

Sidoo kale waxa uu madaxweynuhu Hambalyo u diray boqorka cusub ee la wareegay boqortimimada Sucuudi arabiya, Amiir Salman Bin Cabdicasiis, oo dhaxal suge u ahaa boqorka geeriyooday.

Waxaanu madaxweynuhu ALLE uga baryayaa inuu xilka u fudaydiyo Amiirka, kana dhigo mid dalkiisa ku hogaamiya isku duubni iyo wada shaqayn waarta.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here