Hargeysa(Saxilnews.com)Madaxweynaha Maamul Goboleedka Soomaaliyeed ee Puntland, Siciid Cabdullaahi Maxamed oo mar kale ka hadlay muranka u dhexeeya Puntland iyo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, ayaa sheegay in Puntland aanay lacag iyo mashaariic ka raadinayn Villa Soomalia, balse ay doonayso in ay saamigeeda ka hesho hannaanka awood-qeybsiga dalka ee 4.5 (Four Point Five).
|
Madaxweynaha ayaa tilmaamay in hannaanka awood-qeybsiga Soomaaliya uu yahay mid ku dhisan nidaamka Qabaliga ah ee beelaha ku salaysan oo reer walba uu saami goonniya ku leeyahay xilalka dowliga ah, sidaasi darteedna Puntland ay mar kasta raadinayso saamiga uga maqan dowladda dhexe.
Mudane Deni ayaa xusay in markii Puntland gudaheeda la joogo beel kasta ay ku xisaabtamayso saamiga ay ku leedahay kuraasta Puntland, sidaasi oo kalena la doonayo in loogu xisaabtamo kuraasta heer Federaal.
Waxa kale oo uu sheegay in maadaama isaga loo doortay madaxweynaha Puntland, ay ka go’antahay in uu Villa Somalia kula xisaabtamo saamiga Puntland uga maqan dowladda dhexe, isagoo bulshada ka codsaday in lagu taageero go’aankiisa
Abdirashid rooble cadare
Saxilnews.com
Berbera