Garoowe (SaxilNews):- Madaxweynaha Puntland C/wali Maxamed Cali Gaas ayaa maanta oo sabti ah lagu wadaa inuu hortago Baarlamaanka maamulkiisa, si uu su’aalo uga jawaabo.
C/wali Gaas ayaa wajahaya dhaleeceyn uga imaanaya Xubnaha Baarlamaanka Puntland, kuwaasoo ku eedeeyay inuu jebiyay dastuurka u degan.
Todobaadkii hore ayay aheyd markii xildhibaanada Baarlamaanka Puntland ay diideen in la furo kalfadhigii 38aad, iyadoo uu maqan yahay Madaxweynaha Puntland.
C/wali Gaas oo laga sugayay Garowe ayaa ka degay magaalada Boosaaso, waxaana taasi keentay in Xildhibaanada Puntland ku eedeeyaan inuu si kas iyo maag uga dhega adeegay dastuurka Puntland.
Su’aalaha lagu wado in la weydiiyo waxaa ka mid ah dagaalada Gaalkacyo, doorashooyinka labada aqal, xaalada Qandala iyo qabsashadii Daacish.
Madaxweynaha Puntland ayaa sidoo kale wax laga weydiinayaa heshiis la sheegay inuu dhex maray Guddoomiyihii hore ee Gobolka Bari C/samad Gallan oo horay uga soo hor-jeestay Maamulka Gaas.