Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo hogaaminaaya wefti balaadhan ayaa galabta gaadhay magaalo madaxda gabolka Saaxil ee Berbera

0
29
????????????????????????????????????
????????????????????????????????????
Berbera (Saxil News.com)-Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaliland oo hogaaminaaya wefti balaadhan ayaa  galabta gaadhay magaalo madaxda gabolka Saaxil ee Berbera safarkan ayaa ah mid muhiima oo madaxweynuhu xadhiga kaga jari doono mashaariic horleh oon hore dalka u soo marin loogana hirgelin oo ay ka mid yihiin xarunta shaybaadhka ee shidaalka dalka soo gala, iyo kuwo kale oo badan, halka la filaayo in madaxweynuhu uu dhagax dhigo mashaariic kale.

Madaxweynaha waxa si weyn loogu soo dhaweeyey iyada oo ay maamulka gobolka saaxil kaga horyimaadeen Dacar-budhuq, ayaa madaxweynaha iyo weftigiisa si diiran loogu soo dhaweeyey Dacar-budhuq, Abdaal ilaa degmooyinka iyo tuulooyinka u dhexeeya berbera iyo Hargeysa, safarkan madaxweynaha ayaa ah mid qiimo weyn ugu fadhiya gobolka saaxil iyo guud ahaan dalkaba marka loo eego horumarka dalka ka socda gaar ahaan ka gobolka saaxil oo ah mid ay mahadiyeen dadweynaha gobolka saaxil intii uu talada dalka hogaaminaayey madaxweyne axmed maxamed Silaanyo.

iyadoo uu gobolku nasiiib u yeeshay hogaamiyeyaal waxtar leh oo madaxweynuhu wixii uu faro hore ka fuliya marka loo eego maamuladii kala duwanaa ee soo maray iyo kuwa hada gacanta ku hayaba gobolka oo ku sifoobay waxqabad muuqda iyo dhiiranaan.

Marka loo eego waxqabadka ka qabsoomay Dekeda berbera mudo gaaban oo lagu dhamaystiray fidinta iyo balaadhinta dekeda, iyada o qaybe kalena socdaan hada, Dawlada hoose ee berbera oo iyaduna ka dhex muuqatay bilicda magaalada berbera iyo laamiyo tayo leh oo qarniyada soo socda la mahadin doono.

waxa iyana xusid mudan oo horumarka haamaha shidaalka berbera oo mudooyinkii u danbeeyey ku sii biiray bilicda iyo horumarka gobolka saaxil oo sidaan ku xusay xaga sare markii u horaysay dalka ka hirgelisay shaybaad lagu ogaanayo caafimaadka shidaalka baabuurta  si aanay dalka u waxyeelayn baabuurtuna u nabadgasho, iyada oo horena u hirgelisay dib u dhis iyo balaadhin ay ku samaysay xarunta guud ee kaydka haamaha.

isku soo wada duubo sanadihii u danbeeyey gobolka saaxil waxa uu ahaa hogaaminaayey horumarka gobolada dalka.

 

.

Preview attachment DSC_0007.JPG

DSC_0007.JPG

Preview attachment DSC_0010.JPG

DSC_0010.JPG

Preview attachment DSC_0024.JPG

DSC_0024.JPG

Preview attachment DSC_0027.JPG

DSC_0027.JPG

Preview attachment DSC_0030.JPG

DSC_0030.JPG

Preview attachment DSC_0035.JPG

DSC_0035.JPG

Preview attachment DSC_0038.JPG

DSC_0038.JPG

Preview attachment DSC_0044.JPG

DSC_0044.JPG

Preview attachment DSC_0057.JPG

DSC_0057.JPG

Preview attachment DSC_0063.JPG

DSC_0063.JPG

Preview attachment DSC_0084.JPG

DSC_0084.JPG

Preview attachment DSC_0095.JPG

DSC_0095.JPG

Preview attachment DSC_0099.JPG

DSC_0099.JPG

Preview attachment DSC_0101.JPG

DSC_0101.JPG

Preview attachment DSC_0113.JPG

DSC_0113.JPG

Preview attachment DSC_0121.JPG

DSC_0121.JPG

Preview attachment DSC_0123.JPG

DSC_0123.JPG

Preview attachment DSC_0127.JPG

DSC_0127.JPG

Preview attachment DSC_0128.JPG

DSC_0128.JPG

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here