Madaxweynaha Gambia Oo Ku Dhawaaqey Go,aan Ku Saabsan In Uu Ka Dego Xilka Dalkaasi Ka Dib Kulan Uu La Qaatey Madaxweynayaal African Ah

0
23

Gambia (Saxilnews):- Madaxweynaha la doortay ee dalka GambiaAdama Barrow ayaa dalka isaga baxay ka dib markii madaxda galbeedka Afrika ay ku fashilmeen inay Yaxya Jammeh ay la heshiiyaan.

Image may contain: one or more people

Jammeh ayaa la weydiistay in 19-ka bishan oo xilka wareejiyo, balse wuu diiday soo jeedintaas.

 Adama Barrow wuxuu la safrayaa wafdi heer gobol ah oo ka socda ECOWAS.

 

Waxay u safreen dalka Mali, halkaas oo la filayo in wadahadallo dheeraadka ah ay ka dhacaan.

Wakiilka Qaramada Midoobeey, Maxamed Ibnu Jambas, wuxuu u sheegay golaha amniga in ECOWAS ay raadineyso in UN loo ogolaado inay ciidamo geyso Gambia.

Wuxuu Golaha u sheegay sidoo kale, in dalalka Galbeedka Afrika ay shaki la’aan adeegsan doonaan waxkastoo ay awoodaan “si rabitaanka shacabka Gambia loo taageero”.

Image may contain: one or more people and people sitting

Waxyaabaha ay sameyndoonaan waxaa ka mid ah inay awood adeegsadaan.

Kumannaan qof oo shacab ah ayaa billaabay inay dalka Gambia ka qaxaan ayagoo ka cabsi qaba dagaal inuu dhaco.

Qaar ka mid ah madaxweynayaasha dalalka Galbeedka Afrika oo shalay la kulmay Yaxya Jammeh

Dalalka Midowga Afrika ayaa shalay sheegay in aysan madaxwaynaha Gambia u aqoonsan doonin Yahya Jammeh wixii ka dambeeya 19 bishan, markaas oo uu dhamaanayo xilkiisu.

Gollaha Ammaanka iyo nabadda ee Midawga Afrika ayaa ka digay in cawaaqib xun uu ka dhalan doono haddii ficilka Jammeh uu horseedo in ay u dhintaan dad aan waxba galabsanin.

Midawga Afrika ayaa sidoo kale ku baaqay in laamihiisa ammaanku ay is xakameeyaan.

Madaxwaynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa booqday dalka Gambia isaga oo hogaaminaya wafdi ka socda urur goboleedka Galbeedka Afrika ee ECOWAS.

Waana tallaabadii u dambaysay ee Jammeh culays lagu saarayo si uu xilka ugu wareejiyo ninka ay is hayaan ee Adama Barrow oo ku guulaystay doorashada madaxwayne nimada ee dalkaas ka dhacday bishii hore.

Adama ayaa BBC-da u sheegay in madaxwayne nimada loo dhaarin doono todobaadka soo socda wuxuu Jammeh ugu baaqay in uu la xaajoodo dhexdhexaadiyeyaasha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here