Madaxweynaha Dalka Kenya Oo Markii Ugu Horeysay Ka Hadlay Joojinta Qaadka Ee Dalka Ingiriiska.

0
26

Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta oo booqasho labo maalmood ah ku tegey gobolka sida weyn loogaga beero qaadka ee Meru ee Nyambene ayaa u xaqiijiyay beeralayda qaadka Miraa in dowladiisu ay ka go’an tahay sidii loo badbaadin lahaa isha dhaqaalaha ah ee noloshoodu ku tiirsan tahay.

Uhuru Kenyatta madaxweynaha dalka Kenya ayaa sheegay in uu ogyahay dhibaatooyinka soo gaaray beeralayda kadib markii dowlada Britain ay mamnucday in dalkeeda la keeno qaadka 24kii June 2014. Isagoo ka hadlayay magaalooyinka Mikinduri,Mutuati,Laare iyo Maua oo ah deegaano si weyn looga beero qaadka ayuu madaxweyne Kenyatta sheegay in dowladiisu ay sii wadi doonto codsiga ay u jeedinayso dowlada Britain in ay dib u eegto mamnuucida qaadka.

“Waan ognahay in ay jiraan dhibaatooyinka ka dhashay mamnuucida qaadka. Xoogga ayaan saari doonaa sidii loo xalin lahaa mashaakilkan waxana aan u sheegayaa dadka ku nool Meru in dowlada ay mas’uuliyad ka saaran tahay in mashaakilka la xalliyo,”ayuu yiri madaxweyne Kenyatta.

Hase yeeshee madaxweynaha Kenya ayaa ugu baaqay beeralayda qaadka inay raadiyaan suuqyo kale oo ay u iibgeeyaan qaadka. Guddoomiyaha gobolka Meru Peter Munya ayaa ugu baaqay dowlada Kenya in ururka ganacsiga adduunka WTO ay soo farogeliso khilaafka ganacsiga eek a dhaxeeya Kenya iyo Midowga Yurub.

Sanadkii aynu ka soo gudubnay ayaa xildhibaano ka soo jeeda gobolka Meru waxa ay u safraan dalka Ingiriiska iyagoo kala soo hadlay sidii loo joojin lahaa mamnuucida qaadka ee dalka Britain. Qaadka oo dad badan oo Soomaali ah isticmaalaan ayaa ganacsigiisa gudaha dalka Soomaaliya uu hakad ku yimid muddo saddex cisho ah bartamihii bishan Febraayo kadib markii ganacsatada qaadka ay sheegeen in aysan wax faa’ido ah ugu jirin keenidooda dalka Soomaaliya hase yeeshee khilaaf soo dhex galay ganacsatada ayaa waxaa dib u soo laabtay ka ganacsiga qaadka ee gobolada Koofurta iyo Bartamaha Soomaaliya.

Gobolada Waqooyi ee dalka Soomaaliya ayaa qaadka waxa uu ugaga yimaadaa dalka Ethiopia iyadoo magaalooyinka waaweyn ee Hargeysa,Burco,Berbera iyo qaar kaleba laga isticmaalo qaad ka duwan kan laga cuno gobolada Koofurta iyo Bardhamaha Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here