Madaxaweynaha Cuusub iyo Xukumada uu soo Dhisay in la DhowraLixda Bilood Ugu Horeeya WaLagama Maarmaan ?
Somaliland waxaa had iyo jeer ku caan tahay in markiiba cid kasta oo madax dalka ka noqota in beryaha hore lagu kaco oo in yar oo kooban ummda ka mid ahi wax yaalo badan oo aan surto gal ahayn in wakhtii yar in wax laga qabto uun in farta ku fiiqan ama guud ahaanba inta badan aynu hadal hayno si joogto ah oo aan ka daalis iyo ka caajis lahayn .Sida Reer hebel ayuu Wasiiro badan siiyey ?iyo sxbkiisi hebel ee la soo Dagaalamay waxba muusiin ee waxa uu kaga dhaqaaqay cidla ,Ragii kurisiga saarey Albaabadau ka xidhay markuu kursigii isku hubsaday iwm. Dhamaan odhaah,yada iyaga ahi waa kuwa aynu in badan isku daalino Wakhti, badan iyo hawlo badan aynu ku seegno si guud ahaaneyd .Inta badanmarkiiba ma is weydiino Su,aasha ah “Shikhsiyaadka Madaxweynaha cusub u soo xushay inay noqdaan Golahiisa waiirada sow maha Muwaadiniin mudan in xil loo dhiibo amaba Xil qaban kara noocu doono ha noqdee”. Kuma mashquulo waxyaabaha mudan in laga hadlo lagana doodo ay ka mid yihiin in marka Madaxweynaha cusub Xukumadiisa uu soo dhiso Qof kasta iyo ku dhamaanba Ummada waxa inagu waajib ah in is garab taagid iyo ku faraxa Xukumada Madaxweynu cusub soo dhisay iyo soo dhaweynta Shiikhsiyaada uu soo xulay inay noqdaan Golihiisa Wasiirada.
Marka Dalka Hogaankiisa ay qabato Madaxda cusub Wakhti bay u baahan tahay ama ku qaadaneysa ay kaga baaran degto arimihi is barkanaa ee ay kala wareegtay Madaxdii hore Dalka Hogaanka u haysay . Ka dibns halka madaxda cusuc ee dalku ku dhaqaaqdo sida ugu Haboon ee uguna, Hufan ee waxii Madaxdiid hore Dalku ku wareejiyeen ay wax uga qaban laheyd una Waafajin lahayd Hanaanka, Siyaasdeed iyo Habka Maamul ee Madaxda cusubi hindisan yihiin inay ku Hogaanshaan Dalka inta Muddo xileedkoodu kaga eeg yahay.
Dawlad Ummadeed aanay u jajabneyni noqon mayso Dawlad hana qaada oo la mahadsho wax qabakeed iyo hirgalkeeda dhismeedba Dawlad looga baahan yahay inay yeelato ,waxayna ka dhigan tahay Dawlada aan Ummadeed garab taagini sidii maaha maahdii odhan jirtay “ Hal Ninkii lahaa Dibka hayaa ma kacdo” Dawaladnimad Jamhuuriyada Somaliland iyo Ummada dheeg kasta oo aad ka eegto iyo maah maahda iyada ahi waxa wey bay wadaagan , sida halku dhigyada aann kor ku xusan
Tusaale ahaan wakhtigii Xukumadii Axmed siilaanyo dheeliday ee hadan sii dheeliday ummadu waxay si wada jir ah u muujisay in Axmed siilaanyo ahayn axmedkii la doortay 2010 isla markaan uu Dalku, u bahaan yahay Hogaan aan Axmed siilaanyo ahayn Xisbiguu doono ha ka yimaadee dalkan doorasho ka dhacdo . Ta kaliftay in Ummadu mar kaliya ka soo boodo Axmed siilaanyo ma ahayn nicitaan ay Shikhsiyan neceb yihiin ee waxa Hogaankii iyo Maamulkii Dalka lagu arkey farro kale oo ku yaal markaa Ummadu waxay tidhi mar qudha Dalka Hogaankiisa iyo maamulkiisa fulinta waxaynu u doorayn in axmed siillanyo uu ahaado ka jaan –goyn ee waa maxay faraha kale aan la dooran ee sida Dadban inoo hogaamniya halkaan uu ka bilowdey daraskii Ummadu ka qaaday Xukumadii siilaanyo in kasto ay wakhti dheer shaqeysay faraha aan Ummadu aaney igman ee hadana sida xeeladeysan Hogaanka Dalka u hayey una Maamulyey wakhti ah 7 sandood iyo wax la jira .
Waxaa la soo gaadhay Kaalintii doorashada Ummada Muwaadininta ah ee shacabku si wanaagsan oo sharaf iyo karaamo ah ayeey u guteen inay ka soo baxaan waajibkii Dastuuriga ah ee inay codkooda u dhiibtaan si wanaagsan oo xasilan oo dadaal iyo karti aqoon, bislaan ummadeed ku jirto ha kala taageeran xusbiyad taasi waa shikhsi iyo dookh iyo wax ku doortay ta guud ee waa ka soo dhalaashay Ummadu waa mid mar walb aynu alle ugu mahadineyno Nabad iyo kala danbeynta ,u hogaansanka nadaamka loo codeynaayo iyo is xaq dhowrida ummda dhexdeed ee wada codeyneysa hadana u kal codeyneysaa ,in badan waa sugeysay in doorashdu dhacdo ummadu oo wakhtigeed in badan bay dhaafty waan sii dhaafatay ha yeeshe waxaas oo dhan waxaa ina ilawsinneyey Bislaanta iyo Aqoonta baahsan ee waayo aragnimo ee Ummadu inteed badani leedahay waan inta badan guulah aynu ku gaadhno gaar ahan Jamhuuriyad Somaliland iyo Ummadda .
Dawlada Cusub ee maanta dhismaheed seeskeedii bilogah yahay .
Waxaa Ummada ahaan inagu waajib ah inaynu la shaqeyno wakhtina la siiyo Madaxda cusub ee Dalka, ee uu Madaxweynuhu JSL ugu horeeyo kuna xigaana Golah Wasiirada iyo inta kale lagu qurxiyo Dawlad iyo Ha,yadheed Dawaliga ah . Ma ah Ummad ahaan in waxii in badan aynu u soo dhabar adeygeyney in markiiba hadan aynu ka soo boodno inagoo hali karna inaynu muddo siino Madaxda Cusub iyo hananka siyaasiga ah ay doorbidayaan in Dalka Horumarkiisa iyo Hanaankiisa Dawaldnimo Horumar u horseedi kara , Muuse biixi iyo dawlada uu hada dhidibad u taagay wali 20 cisho ma gaadhin hadana kuwii awilb u taagnaan jiray karaamo ridka Ummada ayaa durtab wwaxoodii bilaabay ugu yaraan 6 bilood waa wax mac- quul ah markaa ka dib hadal iyo wax sheeg waa waajib in ummadu dib eegis ku sameeyso madaxda cusub iyo sida ay wax u wadaan .
Hadii ay ina qancin waayaan haa waxaa Ummada ku waajib ah inay gudato waajibaadka saran ee ah waxii ay u doorteen ee baahi laha ee in la weydiiyo Madaxda weynah iyo dawaladiisu sababtay wax uga qaban waayeen? . Sida aan anigu aaminsanahay wali wax aynu ku jira Wakhtigii soo dhaweynta iyo Hambalyeeynta Maxadweynaha cusub la dooratay 13 Bishii 11 ee sanadkan ee Muuse biixi cabdi ee maynaan gaadhin xili dubu Eegiseed ee aynu mar xabeysiin Dadweynah iyo Dawlada uu soo dhisay oo aynu ka deyno Han-goolka fararada gamuuran ee aynu markiiba ku fiiqaynu .
Jamhuuriyad Somaliland iyo Ummadeed iyo Islaamka idil ahaantiib Alle Ayaan uga Baryeynaa Nabad,Horumar iyo Wada jir mid Diineed iyo mid Ummadeedba .
Alle ha ka qaado inta Dhibaatada Dagaalada ,iyo Coladaha, Gaajada iyo Xanuunada Ummadaha Islaamka guud ahaantood u gaar iyo Khilaafadkaba.
Waa Bilaahi Towfiiq