MADAXWEYNAHA CUSUB EE ZIMBABWE OO 3 BILOOD U QABTAY LACAGO LAGALA BAXAY BANGIYADA DALKAASI

0
15

Zimbabwe:-(saxilnews.com) Madaxweynaha cusub ee Zimbabwe Emmerson Mnangagwa ayaa amar adag kasoo saaray lacagta badan ee lagala baxay Bangiyada wadankaasi oo khal khal ku keentay dhaqaalaha dalkaasi.

Emmerson Mnangagwa walks after he was sworn in as Zimbabwe’s president in Harare, Zimbabwe, November 24, 2017. REUTERS/Siphiwe Sibeko
Bilihii lasoo dhaafay ayey shirkado badan, ganacsato iyo shaqsiyaad maalqabeeno ah wadeen inay lacagtooda kala baxaan dalka, taasi oo keentay in Bangiyadii ay ka dhamaato ama ay ku yaraato lacagto cadaanka (Cash Money) oo ay gacanta ku heystaan.

Emmerson Mnangagwa ayaa sheegay in 3 bilood loo qabtay in lagu soo celiyo lacagta lagala baxay bangiyada, hadii ay dhamaanto sadexdaas bilood ee wakhtiga loo qabtay ay dowladiisa bilaabi doonto inay sharciga la tiigsato shaqsiyaadka iyo Shirkadaha amarkan jabiya.

Madaxweyne Emmerson ayaa hawsha ugu weyn oo hortaal ay tahay sidii wax uga qaban lahaa dhaqaalaha burburay ee wadankaasi.

“Inta lagu jiro sadex bilood ee soo socota oo ka bilaaban doonta 1da December, wax su’aalo ah lama weydiin doono cidii soo celisa lacagta dalka laga baxay, markii ay dhamaato 3daas bilood cidii amarkan jabisay waxaan horgeyn doonaa sharciga…” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay xafiiska Madaxweynaha.

Hogaamiyaha cusub ee xilka kala wareegay Robert Mugabe ayaa xafiiska loo dhaariyey jimcihii lasoo dhaafay, wuxuuna shalay kala diray Golihii Wasiirada iyadoo aan la aqoon xiliga uu soo dhisi doono xukuumada cusub.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here