Madaxweynaha Cusub Ee Dalka Ghana Oo Ka Hadley Wax Yaabaha Uu Xooga Saari Doono Marka Xilkaasi Lagu Wareejiyo

0
18

Ghana (Saxilnews):- Madaxweynaha la doortay ee dalka Ghana Nana Akufo-Addo

ayaa BBC-da u sheegay in marka xilkaasi loo dhaariyo uu muhiimadda koobaad siin doono kobcinta dhaqaalaha dalkaasi.

Waxa uu sheegay in shaqo la’aan ba’an ee haysata dhallinta dalkaasi ay tahay wax aad looga walaaco.

 Akufo-Addo ayaa intaa ku daray in uu sameyn doono xafiis baaritaan ku sameeyo musuqa ka jira dalka, arrintaa oo qayb weyn ka ahayd ololihiisa doorashada.

Madaxweynaha la doortay ayaa ku adkeystay in xafiiskaasi la dagaalanka musuqmaasuqa uu noqon doono mid ka madax bannaan mas’uuliyiinta dowladda, isla markaana uu noqon doono mid ay dadka oo dhan ku qanacsan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here