Madaxwaynu kuxigeenka jsl iyo wasiirka tamarta iyo macdanta ayaa kulan balaadhan la qaataybalaadhan maanta kula yeeshay madaxda Shirkada Shidaal qodista OPIC ee dalka Taiwan.

0
41

 

 

 

Madaxweyne Ku xigeenka JSL Md. Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaciil (Saylici) iyo Wasiirka Tamarta iyo Macdanta Md. Cabdillahi Faarax Cabdi ayaa kulan balaadhan maanta kula yeeshay madaxda Shirkada Shidaal qodista OPIC ee dalka Taiwan.

Wada hadalka labada dhinac ayaa darnaa inay ugu muhiimsanayd qorshaha shirkada OPIC ee la xidhiidha qodista ceel shidaalkii ugu horeeyey dalka sannadka 2023.
Kulanka Madaxweyne-xigeenka Md. Saylici iyo Wasiirka Tamarta Md. Cabdillahi ayey ku wehelinayeen Mr Ibrahim Yusuf (Lataliyaha Wasiirka Tamarta) iyo Mudane Axmed Aadam ( Agaasimaha Waaxda Shidaalka ee Wasaaradda Tamarta), halka madaxda shirkada shidaalka Taiwan ayey ku wehelinayeen Safiirka Taiwan ee Somaliland, Agaasimaha OPIC Somaliland Ms. Hsiang Chen Lin, Mr. Hsuan Jui Hsu (Madaxa Geologist OPIC).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here