Madaxwayne Qoor-qoor” Inaan dowladda dhexe isu dhawnahay waa sax”

0
22

Nairobi (Saxilnews.com)-Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa sheegay in shacabka ku dhaqan deegaanada Galmudug ay dhibaatooyiin badan haystaan.

Mr Kaariye oo wareysi gaar ah siiyay BBC ayaa sheegay in markii la doortay ay go’aansadeen in ay u kuurgalaan dhibaatooyiinka shacabka haysta.

Waxaa uu intaa ku daray in ay ogaadeen in dhibaatooyiinka haysta shacabka Galmudug ay ka mid tahay in aysan haysan waxaabaha asaasiga u ah noolasha.

“Waxay qabaan (shacabka) baahiyo waliba kuwa noolasha bina’aadamka aysan ka maarmi Karin ah sida biyaha, caafimaadka, waxbarshada iyo amniga, baahiyahaas ayaa ugu wayn waxa ay qabaan ayuu yiri, ” Mr Qoor-qoor.

Madaxwaynaha Galmudug oo wax laga waydiiyay halka ay marayaan howlaha hubka dhigsitsa maleeshiyaadka qabaa’ilada ayaa sheegay in wax badan ay u qabsoomeen.

“Inta aan ku guuleysanay ayaa badan inta hartayna hubka waan ka qaadaynaa, socdaalkeena inta dhiman oo ah waqooyiga Galgaduud na hadda ayaan u soconaa, ” ayuu yiri madaxwayne Qoorqoor.

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa dhanka kale sheegay in ay qorshaynayaan in ay Al Shabab ka saaraan dhammaan deegaanada Galmudug.

“Waan ku filanahay sugidda amniga mashaariicda aan fulinayno waana sugaynaa, Al-Shabab na inaan amni ka sugayno oo kali ah ma aha ee waan ka sifeynaynaa waana ka saaraynaa Galmudug, ” ayuu yiri Mr Qoor-qoor.

  • Madaxwayne Qoor-qoor

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa dhanka kale ka hadlay xiriirka maamulkiisa kala dhaxeeya dowladda dhexe, waxaa uuna sheegay in waajib ay tahay in la wada shaqeeyo.

Waxaa uu intaa ku daray in ay lagama maarmaan ay tahay in dhammaan dhinacyada kala duwan ay ka shaqeeyaan danta shacabka.

“Inaan dowladda dhexe isu dhawnahay aad bey sax u tahay, dowladda dhexe kali ah ma aha ee dhammaan dowladaha xubnaha ka ah dowlada dhexe waan isku wada dhawnahay, ” ayuu yiri madaxwaynaha Galmudug.

Mowqifka Galmudug ee Doorashada

Madaxweynaha maamul goboleedka Galmudug ayaa sheegay in doorashada ay tahay in ay ka tashadaan dhammaan dhinacyada ay quseyso.

“Doorashada waxaa jira golayaal sharci dajin, waxaa jira dowlad goboleedyadii, waxa jira madaxdii qaranka, waxaan is leeyahay iyada oo la raacayo shuruucda dalka u dagsan iyo wixii la dhaafi waayo ayaa xal laga gaari doonaa, ” ayuu yiri.

Mr Qoor-qoor ayaa xusay in dhawaan ay si fool ka fool isku soo hor fariisan doonaan madaxda dowladda federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa maamul goboleedyada ee dalka.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa ku doodaya in wax wayn aanay jirin mar haddii kulankii ugu horreeyay ay shalay khadka internet-ka ku yeesheen madaxda dowlad goboleedyada iyo dowladda dhexe.

“Hadda naftigeeda wax wayn ma jiro oo waa la shiray, haddii mar la shiray-na waa aan wada hadalno waa aan heshiino, wax ka dambeeyana kalsooni badan ayaan ku qabaa in la iska fahmi doono oo la isu soo dhawaan doono, ” ayuu yiri Mr Qoor-qoor.

Socdaal madaxwaynaha Galmudug ee deegaanada maamulkaasiLahaanshaha sawirkaGALMUDUG STATE HOUSE
Image captionSocdaal madaxwaynaha Galmudug ee deegaanada maamulkaasi

Madaxwayne Qoor-qoor ayaa farta ku fiiqay in xiriir wanaagsan uu kala dhexeeyo dowladda dhexe iyo dowlad goboleedyada.

“Dhammaantood sidaan kuu sheegay aad ayaan isugu dhaw nahay, waxaana ka shaqeynaa oo ahmiyada siinaa in khilaaf kasta oo jira uu soo dhamaado oo meesha laga saaro sidaa ayaan ku shaqeyaan saas ayaana qabaa,mana ahi dadka ku degdega khilaaf, “ayuu yiri.

Madaxwaynaha Galmudug oo aan waydiinay in uu ka shaqeynayo sidii ay isugu soo dhawaan lahaayeen maamul goboleedyada iyo dowladda dhexe ayaa ku jawaabay, “hadaba waan ka shaqeeyaa “.

Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoor-Qoor ayaa tan iyo intii loo doortay xilka madaxwaynanimada waxaa uu waday dadaalo badan isaga oo la heshiiyay inta badan siyaasiyintii ka soo horjeeday.

Waxaa uu sidoo kale qaaday tallaabooyiin ay ka mid yihiin kuwa lagu sugayo amniga islamarkana hub ka dhigis lagu sameynay.

Mr Qoor-qoor ayaa waxaa uu imika wadaa booqasho uu ku tagayo qaar ka mid ah deegaanada Galmudug taasi oo ay dad badan ku bogaadiyeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here