Madaxwayne Orgadan Oo Xaalad Deg Deg Ah Kusoo Rogay Dalka Turkiga

0
26
Hargeysa(SaxilNews) Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyip Erdogan ayaa saddex bilood oo xaalad deg deg ah ku soo rogay dalkaasi kaddib inqilaabkii milatari ee fashilmay usbuucii la soo dhaafay.

Erdogan ayaa sheegay in tallaabadani ay u ogolaaneyso mas’uuliyiinta dalkaasi in ay tallaabooyin deg deg ah ka qaadaan shakhsiyaadka mas’uulka ka ahaa inqilaabkaasi.

Isaga oo khudbad ka jeedinaya taleefishinka kaddib markii uu la kulmay la taliyeyaashiisa milatari ayaa madaxweyne Erdogan waxa uu ballan qaaday in uu la tacaalo halista soo wajahday dimuquraadiyadda waddankaasi isla markaana uu ilaalin doono xorriyadda shacabka dalkiisa.

Dhanka kale waxa uu u mahadceliyay shacabka dalkaasi oo ka hortagay inqilaabkaasi, waxa uuna sheegay in arrintaasi ay mid taariikhi ah oo dalkaasi soo martay.

Turkiga ayaa si rasmi ah dacwad ugu soo oogay sagaashan iyo sagaal jeneraalo oo lala xiriirinayo qaybtii ay ku lahaayeen afgambigii guuldaraystay ee milatariga.

Waxaa shaqada laga qaaday qaarna la xiray tobanaan kun oo askar, garsoorayaal, qareeno iyo macalimiin laga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Fethulah Gulen.

Fathullah Gulen oo saldhigiisu yahay Maraykanka ayaa dowladda ku eedeynaysaa inuu soo abaabulay afgambiga, laakiin wuu beeniyay inuu ku lug lahaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here