Madaxwayne Farmaajo Iyo Wafti Uu Hogaaminaayo Oo Ka Dhoofey Magaalada Muqdisho Iyo Dalka Uu Ku Sii Jeedo

0
16

Muqdisho(Saxilnews)Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdulaahi Farmaajo iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa goordhaw KA ambo baxaY garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho iyagoo kusii jeeda dalka Jordan.

Madaxweynaha ayaa dalka Jordan uga qeyb galaya markii ugu horeesay shir Madaxeedka Jaamacada Carabta oo la filayo in uu beri furmo, waxaana Shirkaasi ka qeyb galaya Madaxweynayaal iyo Boqoro ka socda Wadamada Jaamacada Carabta.

Shir madaxeedka Jaamacadda Carabta ee beri ka furmaya dalka Jordan oo ah kii 28-aad ayaa lagu wadaa in ay ka qeyb galaan 16 Madaxweyne iyo Boqoro, waxaana shirkan uu si rasmi ah u furmi doonaa maalinta berito iyadoona looga hadli doono arimo muhiim ah.

Madaxweynaha Soomaaliya Farmaajo ayaa la filayaa inta uu joogo dalka Jordan in uu la kulmo Boqoro iyo qaar kamid ah Madaxweynayaasha ka socda Wadamada Jaamacada ee ka qeyb galaya shirka ayna kawada hadlana xariirka iyo sidii ay gacan loo siin lahaa dowlada cusub ee Soomaaliya.

Safarka uu maanta uga amba baxayo Madaxweynaha Soomaaliya dalka Jordan ayaa noqonaya kii sedexaad uu dalka uga baxo, waxa uuna horey safaro ugu tagay Dalalka Sacuudiga iyo Kenya uu uga qeyb galay shirar .

Hangoolnews

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here