MADAXWAYNAHA SOMALILAND OO DAWLADA QADAR KU EDEEYAY IN AY KA SOO HORJEEDO MAAL-GASHI LAGU SAMEEYO SOMALILAND

0
22

Hargaysa(saxilnews.com)Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ku sugan dalka  Imaaraadka Carabta ayaa ku eedeeyay dowladda Qatar in ay ka soo horjeedo heshiiska dhaxmaray shirkadda DP World iyo Somaliland.

Madaxweynaha ayaa warbaahinta ka hor sheegay in Somaliland wax xidhiidh ganacsi mid iskaashi ah toona la laheyn dowladda Qatar, laakiin taa badalkeeda xidhiidh qoto dheer oo soo jireen ah la leedahay dowladda Imaraadka Carabta.

”Waxaan leeyahay Qadar waxa ay cadaw ku tahay oo ay ka soo horjeedaa heshiiska ganacsi ee dhaxmaray shirkadda DP World iyo Somaliland” ayuu yidhi Muuse Biixi oo la hadlayay Warbaahinta Al-Ceyn.

Dowladdaha Imaaraadka iyo Sacuudi Arabia ayuu

sheegay in ay ku dhaqan yihiin ganacsato badan oo Soomaaliyeed oo maal-gashadayaal ah, halka Qadar uu ku sheegey in ay sidaas oo kale aheyn.

Muuse Biixin ayaa maalmihii ugu danbeeyayba ku sugnaa magaalada Abu-Dhabi ayaa kulamo kala duwan halkaa kula yeeshey mas’uuliyiin ka tirsan Imaaraadka iyo Jaaliyada Somaliland ee halkaa ku dhaqan, waxaana uu safarkiisa imanaya xili muran uu ka jiro heshiiska dekedda Bebera oo ay kala saxiixdeen DP World iyo Somaliland.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here