Madaxwaynaha Kuuriyada Waqooyi Oo Ku Dhawaaqay Hadal Dalal Badan Oo Aduunka Ah Ka Nixiyey.

0
17

 

Madaxwaynaha dalka Kuuriyada Waqooyi Kim Jong-un, waxa uu sheegay in ay dalkiisu dhawaan tijaabin doonaan Sawaariikhda xambaarta Hubka Nukliyeerka taasi oo iskaga kala gudbi karta Qaarad ilaa Qaarad.

Madaxwaynaha kuuriyada waqooyi Kim Jong-un, waxa ku dhawaaqay in ay meel gabo gabo ah marayaan tijaabinta sawaariikhda qaada hubkaasi isla markaana ay dhawaan shaacin doonaan dhamaystirkiisa waxanu ku baaney in Xukumadiisa uu ka dhaxlay aabihii ay leedahay Awood milatari oo aan si dhib yar cidina u wiiqi Karin.

Hore ayaa qaramada midoobey waxay ku dhawaaqday in la soo afjaro tijaabinta hubka ay wado xukumada Pyongyang madaxwaynaha Dalkaasi ayaa la hadlaayay xiligaasi dadkiisa dibad iyo dal isagoo fariimo kala duwan u direy waxa u ku tilmaamay dadkiisa dalkiisa daacada u ah.

Khubarada ku sugan bannaanka dalkaasi ayaa u badinaya in ay suuragal tahay in wax ka yar shan sano ay middaasi ku qaadan karto.

Diblumaasiga u dhashay Waqooyiga Kuuriya ee ka baxsaday safaaradda uu dalkaasi ku leeyahay magaalada London ayaa qiyaasaya in wixii loo gaaro dhammaadka 2017-ka ay Kuuriyada Waqooyi arrintaa gaari karto.

Ma ay cadda waxa madaxweynaha la doortay ee dalka Mareykanka ee Donald Trump uu ka sameyn doono arrintaasi.

Khubarada milateriga ayaa sheegaya in barnaamijka nukliyeerka Kuuriyada Wagooyi uu aad u horumarsan yahay, si weynna looga dhowray in xoog lagu burburiyo.

Goobaha ugu muhiimsan ee lagu sameeyo hubka nukliyeerka dalkaasi ayaa ah kuwo qarsoon oo teel teel ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here