Madaxwaynaha iyo Waftigiisa, Waxaan ku Hambalyeynayaa Guusha Taarikhiga ah ee u Kasoo Hooyey Shirkii Jabuuti”. Ex. Gudoomiye Aadan Muuse Cilmi (Aadan Shiine)

0
20

“Madaxwaynaha iyo Waftigiisa, Waxaan ku Hambalyeynayaa Guusha Taarikhiga ah ee u Kasoo Hooyey Shirkii Jabuuti”. Ex. Gudoomiye Aadan Muuse Cilmi (Aadan Shiine)

London(Xogreebnews)- Gudoomiyihii hore ee degmada Wajaale Muj.Aadan Shiine, ayaa Madaxweynaha iyo waftigiisa ku Hambalyey guusha taarikhiga ah ee ay kasoo hooyeen Wadahadaladii Somaliland iyo Somaliya uga socda Jabuuti.
Siyaasi Aadan Muuse Cilmi (Aadan Shiine), waxa uu Shacabka Jamhuuriyadda Somaliland ugu baaqay midnimo isku duubnida iyo inay xejistaan qaranimadooda, isla markaana Madaxweynaha iyo Xukuumada ku garabsiiyaan ka midho dhalinta qadiyada Somaliland. Aadan Shiine waxa uu sidaas ku sheegay qoraal uu soo gaadhsiiyey Shabakada Xogreebnews waxanu u dhigan yahay sidan.
“Waxaan Hambalyo u dirayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Muuse  Biixi Cabdi iyo waftiga Balaadhan ee u hoggaaminaayo, anigoo ku boggaadinaya Guusha taarikhiga ah ee u Madaxweynuhuu kasoo hooyey Shirka Jabuuti.
Cadowgii Somaliland Maanta wuu quustay, waxanu Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi Shirka kusoo Bandhigay, wax alle iyo wixii uu gar u lahaa, waxanu madashii Dawladaha waaweyni maraga ka ahaayeen ka Jeediyey khudbad Diblumaasiyadeed oo Taarikhiya, oo laga diiwaangelin doono soo yaalka Caalamka.
Shacabka JSL waxa u sheegayaa in Guulaha aqoonsi ee dalkeenu maanta wanaagsan yahay, waxanaan idinku boorinaya inaad sidaa ugu mideysnaantaan, isku duub-nidaas, ayaa Guusha weyna ina gaadhsiinaysaa.
Guntii iyo gebo-gebadii Ilahay waxa ka baryayaa inuu dalkeena cadowgiisa jebiyo, Somaliland na ugu wado barwaaqada isku duubnaanta iyo aqoonsi buuxda Idin Alle insha allah.
Waa Bilahi Tawfiiq.
Aadan Muuse Cilmi (Aadan Shiine)
UK

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here