MADAXWAYNAHA DALKA NIGERIA OO CAMBAAREEYAY ISKU DHACYO KA DHACAY GOBOLKA BENUE

0
17

Nigeria:-(saxilnews.com) Madaxwaynaha dalka Nigeria Muhammadu Buhari ayaa cambaareeyay isku dhacyo dhexmaray dad beeralay ah iyo dad xoolo dhaqato ah.

Hadalka madaxwayne Buhari ayaa ka dambeeyay ka dib markii boqolaal qof ay isugu soo baxeen magaalada Makurdi oo ah caasimada gobolka Benue.

Dadkani dibad baxa dhigay ayaa ka soo horjeeday isku dhacyadaasi u dhaxeeya xoolo dhaqatada iyo Beeralayda.

Saraakiisha dalka Nigeria ayaa waxay sheegeen in isku dhacyadani ay ku dhinteen ugu yaraan 20 qof .

Xoola dhaqatada qoomiyada Fulani ayaa waxa labadii maalmood ee ugu dambeeyay ay la dagaalamayeen dad beeralay ah.

Dadkani xoola dhaqata oo intooda badan ah dad Muslimiin ah ayaa waxay dagaal kula jiraan beeralayda oo ah dad u badan masiixiyiin.

Isku dhacyada ayaa la sheegay in ay ku salaysan yihiin dhul daaqsimeeed.

Qaar ka mid ah dadka reer Nigeria ayaa waxa ay ku eedeeyeen madaxwayne Buhari in uu iska indha tirayo arrintani .

Madaxwaynaha ayaa soo jeeda qoomiyada xoolo dhaqata ah ee Fulani.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here