Berbera(Saxilnews.com)-Mishiinkii laydhka ee Madaarka Berbera ayaa dib loogu soo celiyey halkiisii, Mishiinkan ayaa mudo ku maqnaa Magaalada Hargeysa kadib Markii Madaxtooyada looga baahday maalmihii 18 may, sida uu noo xaqiijiyey Afhayeenka Wasaarada Duulista Ismaaciil Yare. Mishiinkii oo ah nooca casriga ah ee aan guuxa samayan ayaa hada dib loo dhigay goobtiisii, Mashiika ayaa ka mid ah deeqda qalab ee Dalka Kuweyd ugu deeqay Madaarka Berbera oo ay dib u casriyan ku sameeyeen. Talaabadan ayaa meesha ka saaraysa warar kutiri kuteen ah oo wabsaydyada qaar ka qoreen arintaasi, iyaga oo tibaaxay In laga iibiyey Shirikadaha Laydhka ee Fadhigoodu yahay Hargaysa, Mishiinkaas
Mishiinkan ayaa la keenay madaarka caalmaiga ah ee Berbera kadib markii uu soo dhamaaday muaraadkii hargaysa loo geeyey