MADAXTOOYADA OO KU GUUL DARAYSATAY INAY MARIN HABAABISO BEELAHA CUMAR JIBRIIL.

0
25

Haddaanu nahay aqoonyahanka iyo waxgaradka Beelaha Cumar Jibriil, waxaanu ka xunahay odayaashii xalay madaxtooyada tegey ee wadhidu ka raacday,  odayaashaas oo la kulmay Wasiirada 4ta ah ee H/Jeclo. Waanu ka xunahay inay odayaashu mustawahooda hoos u dhigaan oo ay la kulmaan cid aan waxba uga cabayn. Waxaana ceeb ah in 4 wasiir oo Abokor Jibriil ah, madaxweynuhuna raarta u fadhiyo inay yidhaahdaan  Cumar baanu la kulmaynaa, intaas keliya ayaa ah wax laga yaqyaqsoodo.
Inkastoo odayaashu ixtiraam mudan yihiin, hadana waxa xalay ka dhacay meeshaas wuu na damqayaa, waayo ma haboona in maalin kasta loo ergoodo eelka kii dhigay, ma haboona in waxaan jirin lagu sheekeeyo, waxaas xalay dhacay wuxuu ahaa arin la islahaa ku denbebesa oo ku shiiqaya dareenka shacabka,  ciddii soo maleegteyse way ku fashilantay in ay wax ugu qabsoomaan siday rabeen.Intaas waxaanu ka daraynaa oo aanu usoo jeedinaynaa in Beeshu ay ka tashan doonto aayaheeda Siyaasadeed iyo Bulsho shirna ku qabsan doonto Caynabo, beeshuna  quus ka taagantahay, wax rajo ahna aanay ka sugayn  Dawlada Siilaanyo

ee Qabyaalada iyo eexdu la degtey. Waxaa kale oo aanu usoo jeedinaynaa in Hoggu ka guur yahay ciddii hunguri kaga jiray,  oo aanay mudnayn in xukuumadan la isku sii hawlo.

 

Sidaas awgeed, Beelaha cumar Jibriil maaha beelo ama dad lagu hodi karo wasiir ku xigeen iyo midhadh xaga hunguri shaqaynayo oo aan damiir ku filan lahayn, mana aha wax lagu hodi karo wixii xalay oo kale ee ahaa Cumarow garbaad leedihiin waxaad sheegteenna waxbaanu ka qabanaynaa, iyo hees walwaaleed iyo waxaan waxba ka jirin oo aanu ka ilbaxnay, iyadoo aanu ogsoonahay in xubinihii dawlada ka jiray Cumar Jibriil  laga sifeeyey sida Agaasimihii  Guud ee Hay’ada Shaqaalaha, kii Hay’ada Qurba jooga oo awelba ahaa jagooyin aan micno weyn samaynayn marka loo eego inta jago ee ay iyagu isku koobeen.

Xalay  raggii meesha tegey waxay isugu jireen, qaar war ma qabto ah iyo qaar wax loosii laqimay, dabadeedna fulkaanuhu wuxuu qarxay markii runta la isu sheegay, dabadeedna ay canbaari raacday kuwii farsamaysnaa. Sidaas awgeed, waxaanu leenahay Cumar Jibriil xukuumadan jirta kabihiisa ayuu ka iladay ee yaan wax la is wareerin, midhadhkaad isku dhowdihiin caano iyo biyo toona kama aha reer dhexdiisa.

Ugu danbeyntii Aqoonyahanka Beelaha Cumar Jibriil wuxuu ku baaqayaa midnimo iyo wadatashi dhexmara Beelaha ay isku degaanka yihiin ee ku dulman dawlada haatan jirta si go’aan midaysan oo dadka iyo degaanka anfacaya la isula qaato.

 

Allaa Mahad leh,

Afhayeenka Aqoonyahanka Beelaha Cumar Jibriil.

Eng: Mustafe Haji Farah Warsame,

Email: mustafefarah8@yahoo.com

Saxilnews.com  Kama Masuul Ah Fikirka Iyo Faalada Qofka …………………………………………………….

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here