Madaxa Ollolaha Xisbiga Waddani Oo Gobolka Gabiley Kaga Awood Roonaadey Wasiirka Warshadaha Somaliland Iyo Xukumada Oo Qaadaysa Talaabo Ay Kaga Hor Tagayso.

0
20

Hargeysa(Saxilnews)-Madaxa ollalaha xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Xamse Khaire oo ah Nin dhalinayaro aad u fir-fircoon kana soo jeeda Gobolka Gabiley, ayaa waxa tan intii la magacaabey waxa uu xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani uga soo hooyey gobolkaasi taageerayaal aad u tiro badan.

Ninka dhalinyarada ah ayaana kaga awood roonaadey guud ahaan Shacbiyadii gobolka Gabiley Wasiirka Warshadaha Somaliland Shucayb Maxamed Muuse oo ay isku Jufo hoose ka soo jeedaan, iyadoo  mudooyinkii ugu dambeeyey si wayn gobolka Gabiley iyo Deeganaada Hoos yimaada looga dareemaayay dhaq dhaqaaqiisa dhinaca ollalaha ee uu Madaxa Olalaha xisbiga WADDANI ka wado Xamse Khaire.

Wasiirka Warshadaha VS Madaxa Olalaha WaddanWasiir Shucayb oo mudooyinkii ugu dambeeyey iska dayayey in uu ka hor istaago dhaq dhaqaaqa siyaasadeed ee uu Gabiley ka wado ninka dhalinyarada ah si uu usii xajisto booskiisa Wasiirnimo, ayaa ku guul daraystey arintaasi isku dayo badan oo uu ku joojinaayay aaney u suuro galin.

Dhanka kale Gudoomiyaha Gobolkaasi ee xisbiga Waddani Xasan Axmed Aadan (Dhagjar) ayaa sidoo kale isaguna ka soo jeeda Jufada isla Wasiirka Warshadaha Somaliland

Xukumada Somaliland iyo xisbiga KULMIYE, ayaa oo inta badan ku xisaabtamaya codadka ugu badan in ay Gobolkaasi ka helaan, balse waxa ay mudooyinkii ugu dambeeyey si wayn uga war heleen in ay faro madhan ka taagan yihiin taageeradii ay isku halaynayeen Deegaanada gobolka Gabiley iyadoo la filaayo in talaabo deg dega xukumadu ka qaado,

Wasiir Shucayb Maxamed Muuse oo hore u soo noqdey Maayar degmada Gabiley ayaa waxa ay bulshada reer Gabiley siyaasadiisa barteen intii uu ahaa maayarka xiligaasi oo aanay mahadin qaabkii uu u shaqayn jirey isla markaana  aan degmada ka hir galin hal mashruuc oo lagu xusuusan doono.

Gunaanadkii Maalmaha soo socda ayaa la filayaa in madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo sameeyo isku dhaan dhayn sal balaadh ah oo loo badinaayo in ay sahan doonto masuuliyiin badan oo aan miisaan culus ku lahayn deenaanada ay ka soo jeedaan.

Hangoolnews.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here