Madasha Wada-tashiga Oo Guurtida Uga Digay Samaynta Muddo-kordhin Baalmarsan Midda Komishanku Iclaamiyeen

0
22

Hoggaanka Madasha Wada-tashiga iyo Toosinta qaranka, ayaa Xubnaha Golaha Guurtida uga digay inay sameeyaan Muddo-kordhin Baalmarsan midda ay xubnaha Komishanku iclaamiyeen oo ah Hal Sano oo Xukuumadda iyo Golaha Baarlamaanka loo kordhin doono.

Shir Jaraa’id oo ay Hoggaanka Siyaasiyiinta Madashu ku qabteen Hutel Mansor ee Magaalada Hargeysa, ayaa soo jeediyey in Go’aanka ay Guurtidu ku qaabili doonto Muddo-kordhin Xukuumadda iyo Baarlamaanka loo sameeyaa ay noqoto mid Bulshadu qaadato, isla-markaana salka ku Hayso soo jeedintii Komishanka Doorashooyinka qaranka oo ku eg Bilowga Bisha Lixaad ee Sanadka dambe in doorashada la qabto.

Guddoomiyaha Madasha Xasan Guure Jaamac oo ugu horrayn Halkaas ka Hadlay, ayaa Su’aal Geliyey Caafimaadka iyo fayo qabka Xubno badan oo Guurtida kamid ah, waxana uu tilmaamay in Dalku muddo-kodhin ka daallay,

Saddexda gole ee dalka ka taliya laba wakhtigu wuu ka dhan yahay oo waa guurtida iyo wakiilada, markaas ilaa hadma ayaynu wadaynaa Sharci darrada?, Riyaale ayaa Sharci darro ah oo loo kordhiyay,Cigaal baa loo kordhiyay, kana waynu u kordhinaynaa, ilaa waligeed maynu kordhinaynaa uun, oo maynu marka horeba nidhaahno 8 Sannadood xilka ha hayo qofka la doortaa, 8 haddaynu siinana way dhaafi doontaa. Waar ilaa goorma ayaynu noqonaynaa umad aan xisaabtamin?, guurtida qayb badan oo ka mid ah ayaa biilka caruurtooda lagu aamini waayay, markaasay wax idiin doorayaan, Maxay dhalintu badaha iskugu daadinaysaa?, haddii xeerka lagu noqdo dalku wuu ku filan yahay” ayuu yidhi Xasan Guure Jaamac, gudoomiyaha madasha watashigu.

“Waxaanu leenahay 5-tii sannadood ee Madaxweyne Siilaanyo xilka hayay, wuu ugu talo galay inaanu dalka doorasho ka qaban, waxaanu leenahay intii aanu ku dooranay way kaa dhamaatay oo waa 26-ka June 2015-ka, dee doorasho dambe oo lagugu soo celiyo mooyee wakhtigii wuu kaa dhan yahay. Waxaanu leenahay xukumaddani waa dawlad kibir ku shaqaysa gabigeeduba oo aan waxbaba iskaga tirinayn umaddeedii, oo is leh waxaad doontaan baad samayn kartaan cidna idinka daba hadli mayso”

Eng. Maxamed Xaashi Cilmi ayaa isna dhaliilay guurtida “Waxa weeye guurtidu 82 ayay hayd, 11 ayaa ka soo hadhay 4 waa bukaan jiif,markaas 7 ayaa soo hadhay, markaas guurtidu waxay ku buuxsantay dhaxaltooyo, dhaxaltooyana sharciga meel ay kaga jirtaa ma jirto” ayuu yidhi Eng. Maxamed Xaashi.

Hadalka Madasha wadatashiga ayaa ka dambeeyay go’aanka shalay Komishanka doorashada Somaliland ku sheegeen inay doorashada ku qaban karaan muddo hal sanno ka dambeysa wakhtigii loo cayimay islamarkaana ku beegan 1-da June 2016-ka.mudaneyaal guurtida ka tirsan ayaa ku dooday inaanay cayimaada doorasho muddo kordhin u baahan xaq u lahayn Komishanku, balse Madasha iyo Xisbiyada Mucaaradka ayaa ku talisay inay guurtidu muddo kordhinteeda ku salaystaan soo jeedinta Komishanka.

[Hargaysa Saxil News.com]

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here