Madaarka Berbera Oo Si Caalami Ah Loo Dhisay Iyo Wasiirka Duulist Oo Kormeer Ku Yimi + Sawiro Qurxoon

0
27

Berbera (Saxilnews.com)Wasiirka Wasaaradda Duulista iyo hawadda Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi,oo uu wehlinayey Agaasimaha Waaxda Mashaariicda, Muuse IbrahaiM Salef, Afhayeenka Wasaaradaasi Saddam Maxamed Axmed iyo Masuuliyiin ka socday shirkada Kuwait fund ee maamusha mashruucaasi ayaa kormeer indho-indhayn ah ku tagay Hawlaha Madaarka.

kormeerkaas Wasiirka ayaa salka ku hayey in dhinacyada ay khusaysaa ay isla qaataan wakhtiga rasmiga ah ee la furayo Terminalkan si loogu diyaar garoobo, waxaana laysla qaatay in la furo 23/02/2015-ka, wakhtigaas oo loo qaban doono munaasibad balaadhan.

Dhismahani ay Wasaaradda Duulistu ka hirgalisay Madaarka Berbera oo ah dhisme balaadhan oo si casriya loo dhisay ayaa isugu jira Terminalka laga dhoofo, iyo Terminalka laga soo dago, Xafiisyo loo sameeyey maamulka madaarka, iyo goobo dadku ay ku sugaan Eheladooda dhoofaysa ama soo dagaysa.

Terminalkan ayaa Madaarka Berbera ka dhigi doono Madaar Caalami ah, oo ay Hay’ada ICAO ku darto liiska Madaarada Madaniga ah, iyadoo markii hore uu dunida ka xisaabsanaa Madaar Milatari, waxaana uu sare u qaadi doonaa Darajada Madaarka.

Geesta kalena Wasaaradda duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Jamhuuriyadda Somaliland ayaa ku hawlan sidii shirkadaha Dayuuraduhu ay duulimaadyo uga bilaabi laayeen Madaarka Magaalada berbera.

SAXILNEWS.COM
SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM
@SAXILNEWS.COM

 

SAXILNEWS.COM// BERBERA // OFFICE

Mukhtar Abdirahman

berbera2002@gmail.com

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here