Macsalaameynta Boqoradda: 10 maalmood oo Britain aysan illaawi doonin

0
40

8-dii Sebtembar, dadka reer Britain waxay heleen war murugo leh oo sheegaya in Queen Elizabeth II ay si nabad ah ugu geeriyootay gurigeeda Scotland Highland, Balmoral. Waxay ahayd boqoraddii ugu xukunka dheerayd taariikhda Ingiriiska.

Haweeney u tacsiyeyneysa Boqoradda oo ku sugan Hyde Park ee magaalada London maalin ka hor aaska boqoradda
Haweeney u tacsiyeyneysa Boqoradda oo ku sugan Hyde Park ee magaalada London maalin ka hor aaska boqoradda

Guud ahaan daafaha UK, dadku waxay siyaabo kala duwan u maamuuseen boqoradda dhimatay.

Boqor Charles III iyo xubnaha qoyska boqortooyada oo ka dambeeya naxashka Queen Elizabeth II. Waa 14-kii Sebtember 2022
Farshaxankii Eleanor wuxuu ka mid noqday ubaxayada lagu qaddarinayo boqoradda
Farshaxankii Eleanor wuxuu ka mid noqday ubaxayada lagu qaddarinayo boqoradda

People queuing in Edinburgh

Jimcihii 9-kii Sebtembar Charles III iyo Boqorada Consort waxay yimaadeen London iyagoo ka yimid Balmoral, waxayna soo galay Qasriga Buckingham Palace markii ugu horreysay tan iyo dhimashadii boqoradda Elizabeth.

Kumanaan qof ayaa goor sii horeysay isugu soo baxay waddooyinka Scotland si ay u muujiyaan xushmaddooda iyadoo naxashkii boqoradda geeriyootay la bilaabay in la geeyo koonfurta.

Kumanaan kun oo qof ayaa ku soo baxay Royal Mile ee Qasriga Edinburgh
Kumanaan kun oo qof ayaa ku soo baxay Royal Mile ee Qasriga Edinburgh

Ubaxyada tacsida ee Balmoral

Tan iyo markii ay boqoraddu ku dhimatay Scotland badalkii London, dhimashadeedu waxay horseedday dhacdooyin loo yaqaan “Operation Unicorn”. Waxay ku bilaabatay in Baarlamaanka Scotland la hakiyo si ay ugu diyaar garoobaan aaskeeda qaran, ka dibna meydka Boqorada ayaa laga soo qaaday qasriga Balmoral waxaana la geeyay Qasriga Holyroodhouse. Boqorka cusub iyo Boqorada Consort waxay sii joogeen Balmoral ka dib markii lagu dhawaaqay, ka hor intaysan u safrin London maalintii xigtay.

Boqor Charles wuxuu kormeeray ilaaliyeyaasha Qasriga HolyroodhouseBoqor Charles wuxuu kormeeray ilaaliyeyaasha Qasriga Holyroodhouse
Carruur daawaneysa TV-ga iyadoo lagu dhawaaqay in boqoradda Elizabeth, oo ahayd boqoraddii ugu xukunka dheerayd Britain, isla markaana madax ka ahayd toddobaatan sano, ay geeriyootay iyadoo 96 jir ah.
Carruur daawaneysa TV-ga iyadoo lagu dhawaaqay in geeriyootay boqoradda Elizabeth, oo ahayd boqoraddii ugu xukunka dheerayd Britain, isla markaana madax ka ahayd toddobaatan sano, ay geeriyootay iyadoo 96 jir ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here