Hargeysa(Saxil News.com )Mayarka Degmada Bali Gubadle Cabdi Iimaan Jaamac ayaa maanta galinkii hore lagu dhaawacay gudaha magalada bali gubadle , wareerarkan lagu dhaawacay Maayarka ayaa ku aadanaa isku walaq uu ku sameeyey hawlaha shaqo ee dowlada hoose ee magaalada bali gubadle,
dowlada hoose ee degmadaasi Bali-gubadle ayaa mudooyinkii u dambeeyey waday wado baneyn Bilaa Qorshe ah iyadoo Bulshada ku dhaqan Deegaankaasi ay Maamulka Degmadaasi ka Tirsanayeen tacadiyo iyadoo ayna Dowlada Hoose lahayn Engineero howshan ku shaqo leh isagoo Maayarku u maamusha siduu doono .
Dhaawacan loo gaystey Maayarka ayaa ka dambeeyey ka dib markii Dowlada Hoose oo uu Hogaaminayo Maayarku ay Muwaadin ka mid ah Dadka Shacabka ah ee magaaladaasi ay ka Baabiyeen Dhul uu lahaa,taasi oo sababtey in uu maanta soo weeraro Maayarka isagoo dhaawacyo kala duwan soo gaadhsiiyey Madaxa ,
Waxaana Maayarka loola soo Cararey Magaalada Hargeysa isagoo la soo gaadhsiiyey Cusbitaalka Adna Aadan Hospitaal ,ka dibna waxaa caawa loo gudbiyey Dhakhtarka Hargeysa Neerfaha ee Hargeysa Nayroolaji oo hada lagu daweynayo .
Hadaba Bulshada ku dhaqan magaalada Bali-gubadle ayaa Mudooyinkii u dambeeyey Cabasho xoogleh ka muujinayey Dhul Boob cad oo uu ku hayo Maayarka Degmadaasi Bali-gubadle Cabdi iimaan jaamac
Wariye:Maxamed Jiciir Aw -Axmed
- Saxilnews.com
berbera2002@gmail.com