Hargeysa(Saxilnews.com)-Warar xog-ogaala oo aanu ka helnay ilo u dhawdhaw ayaa waxa ay tibaaxeen in maanta uu faasaxay Maayarka Magaalada Hargeysa Mr.C/raxmaan Soltelko Kaalinta Shiidaalka ee Dawlada hoose ee Hargeysa oo in mudo ah ba u kireysnayd Ganacsato reer Somaliland kuwaaso tobankii sano ee u danbeeyeyba kiro ahaan ugu jiray.
Wararka la xidhiidha iibka Kaalintan Shiidaalka ee Dawlada Hoose ee Hargeysa oo wararku ay sheegayaan in Maayarka iyo Xubno kamida Golaha Deegaanka Caasimadu saaka gacanta dhiibeen isla markaasna ay saaka si toosa looga iibiyey Ganacsade Dheereeye oo hada ah Ganacsadaha ku jira ee ay u kireysnaydkaasoo ay xogtu intaas ku dartay in laga siiyey lacag gaadhaysa hal milyan oo dolar 1000,000 $ taasoo sida la sheeegayo lagu shubay Acoun gaara oo aan ahayn Qasnadihiii Xisaabaadka Dawlada Hoos ee Hargeysa
Maayarka Magaalada Hargeysa Mr.C/raxmaan Soltelko ayaa noqday Maayarkii ugu takrifalka badnaaee iibiya hantidii Ummadda isagoo hore uiibiyey Khayriyadii Waynayd ee Magaalada oo uu ka iibiyey Ganacsade ay iskusii jufo hoose yihiin oo uu usiiyey Lacago la sheegay inuu ka amaahda y waqtuyadii uu ku jiray kaambaynkii Maayarnimada
Iskusoo wada duuboo Hadii Arintani dhabawdo ayaa waxa ay noqondoontaa bar madaw oo galaafan-doonta Maayar Soltelco iyo Xulufadiisa iyadoo isla markaasina keeni doonta gadood iyo kacdoono dad-weyne oo ka dhan ah Golaha Deegaanka oo waayadii ugu danbeeyey ay aad uga biyo diidsanaayeen
Qarninews/Office
Hargeysa/Somaliland
Maayar Soltelooo.png