Maayarka Degmada Maydh Oo Beeniyey Warar Been Abuura Oo Laga Baahiyey

0
18

Berbera(Saxil News.com )-Maayarka Degmada Maydh Prof. Xuseen Sh.C/raxmaan Sh.Siciid Maydh  ayaa beeniyey warar been abuura oo laga faafiyey Maamulka Degmada Maydh kuwaasi oo sheegayey in uu fadhiyo isla markaasina uu xumaaday Mishiinkii Barafka u dhalin jiray Magaalada Maydh

wararkan oo lagu faafiyey qaar kamida Shabakadaha Somaliland ayaa uu Maayarku ku tilmaamay inuu qoray Inan Wariye ah o baal maray shuruucdii iyo Masuuliyadii Mihnada Saxaafada Saxda ah isagoo arimahaas ka hadlaayana waxa uu yidhi “Anigoo ah Maayarka Degmada Maydh Prof. Xuseen Sh.C/raxmaan Sh.Siciid Maydh waxaan halkan ka beeninayaa warar been abuura oo uu warbaahinta u qaybiyeyinan magaciisa la yidhaahdo Wariye Darwiish oo kamida Bahda Saxaafada Gobolka Sanaag Warkaasi oo sheegayey inuu xumaaday isla markaasi uu fadhiistay Mishiinka baraf dhaliyaha Degmada oo dhawaanta llaga hirgaliyey Degmada isla markaasina u shaqaynaaya sidi loogu talo galay warkaasina uu yahay mid xaqiiqada ka fog oo uu baad kaga dooonayey inanka Dawriish ee qoray Maamulka Degmada iyadoo markii aanu ka diidnayna uu naga qoray warkan iyadoo sidoo kalena ay soo adeegsadeen inanka dad wax magarato ahoo mishiino yaryar oo baraf dhaliyeyaal ah ku haysta degmada oo ka xumaaday Mishiinkii labaad ee Baraf dhaliye ah oo ay maamulka degmadu kusoo kordhinayaan kii hore oo hada soogaadhay Berbera oo ay warkiisa maqleen iyagoo sidoo kale ka xun horumarka dhaqaaqay ee Degmada ay ka wadaan Maamulka aan madaxda u ahay

Warkan uu qoray Inankan aan aqoonta fiican u lahayn Mihnada isla marjkaasina baalmarsan shuruucdii iyo Masuuliyadii Mihnada Saxaafada Saxda ah taasi oo aan u soo jeedinayno Bahda Saxaafada iyo inankan qaldamayba inay ka waantoobaan oo ay Mihnadan qaaliga ah ee Saxafada dariiqa saxda ah u adeegsadaan”

Dhinaca kale Maayarka Degmada Maydh Prof. Xuseen Sh.C/raxmaan Sh.Siciid Maydh waxa uu sigaara fariin ugu diray Wariyeha warkan qoray oo uu magaciisa ku sheegay Wariye Darwiish isagoo arimahaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi” waxan halkan sigaara waano digniin kama danbaysa uga gudbinayaa wariyaha warkan been abuurka ah qoray oo magaciisa la yidhaahdo Wariye Darwiish kaasi oo aan leeyahay waa inaad dhawrtaa Sumcadaada iyo tan Mihnada Saxaafada oo aad ka waantowdaa wararkan been abuurka ah ee aad caadaysatay ee aad ka qorayso dhamaan masuuliyiinta Gobolka Sanaag hadii aad ka waantoobi waydo sida ugu dhakhsaha badan ayaanu sharciga kuula tiigsan waayo waxa aad ku gafaysaa masuuliyada iyo mihnad dhan oo Qaranka qiimo sare ku leh”

Mayorka Degmada Maydh Prof.Xuseen ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay guulo waaweyn oo usoo hoyday maamulka Degmada kuwaasi oo ka cadhaysiiyey dad dano gaara leh oo kasoo jeeda degmada isagoo arintaasi ka hadlaayana waxa uu yidhi” waxan halkan mar labaad ka sheegayaa guulo waaweyn oo dhawaan usoo hoyday Maamulka Degmada Maydh kuwaasi oo ah in aanu dhawaan ku guuleysanay Mashruuc aad u faa’ido badan kaasi oo ah in degmadu ku guulaysatay inuu Mashruuca Sanduuqa Horumarinta Somaliland SDF ka hirgaliso oo ay ka dhisto Degmada Maydh Deked weyn iyo Xaruntii Gobolka ee Wasaarada Kaluumaysiga ,Bakhaar weyn oo lagu kaydiyo Kaluunka inta Suuqa laga gaynaayo Mashwuuracan oo ay ku baxayso lacag dhan 1,300,000 hal milyan iyo sadex boqol oo Dolar kaasi oo bisha Sagaalaad ee sanad kan sep 2015 la bilaabayo dhismihiisa kaasi oo ay ka xumaadeen dad dano gaara leh oo kasoo jeeda deegaanka Maydh kuwaasi oo aan ku farxin guulaha balaadhan ee usoo hoyday guud ahaan Degmada gaar ahaana Maamulka Degmada Maydh”

Dhinaca kale mar aanu la xidhiidhnay xubno kamida dadweynaha ku nool degmada Maydh oo aanu wax ka waydiinay warkan ayaa waxa aynoo sheegeen in aanu jirin wax baraf dhaliye ah oo xumaaday isla markaasina warkaasi ben abuur yahay Wariyaha Warkan qorayna uu la socday Wafti uu hogaaminaayey Gudomiyaha Gobolka Sanaag ee Xisbiga Waddani oo Degmada soo gaadhay

 

 

 

Saxilnews.com

saaxilnews005@gmail.comunnamed (1)

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here