Maansada Damaq : Waxa Curiyey Hal-abuur Faarax Carab Ismaaciil ( Aarka)

0
40
Maansadan cusub ee DAMAQ Waxa Curiyey Hal-abuur Faarax Carab Ismaaciil ( Aarka) Waxay soo baxday 20 april 2015 ee bishan Waxayna maansadu ka hadlaysaa waxyaaba badana ka taatabanaysaa sida ay
soomalidu Isu dhigtay meel geerigo,an ah ee ay qaar siyaasiyiin
sheegta oo calooshod u shaqaystayaalina ay shisheeyaha qadaadic
lacaga ugaga qaatan inay sidaa u burbursanaato
Waxay maansadu si xeel dheer uga hadlaysaa sida ay dadkeena qabiilku
ama reernimadu ay u ragaadisay qayrkeedna ay uga reebtay iyo duluc
ahaan aad markad akhrido waxyaabo badan oo aad adi dareemi kartid oo
aad adigu ka dhexfahmi kartid maansadana sida tanbu hal-abuurku ku
iba furtay-:

Ha ku digan qofkii dagan

Hadii u dayacanyahay

Fiiro hawgu daadegin

Adoon duunyo siinayn

Duulkaliyo dhaqankood

Dacwad adigu haw qabin

Taada adoon daryeelayn

Haku deyan mid dayro ah

Dharka iyo dirayskay

Dacaladu banaanyiin

Deg deg adigu haw xidhan

Xeel dagaasha gaaladu

Yaanay degal barwaaqiyo

Dab la shidayo ku noqon

Da,a waayo doodeen

Dal dalooladaadiyo

Docda kaa banaan iyo

Yeey dareemin meelaha

Badi aad ka dagantahay

Ruuxan doonin guusha

Dayr dhaxanta celiyiyo

Dugsi yaani ku noqon

Wakhtiyada is daba mara

Dayrow feejignaan iyo

Dunji qalin ku suure

Deriskiyo qaraabada

Wixii kala dilaayiyo

Dil dilaaca ka ogow

Deelqafna yuu jirin

Dacadnimadu waa sharaf

Daaqada wanaag iyo

Darajooyin lagu helo

Balaan dooda sheekada

Sii yara dabaashe

Ku darso waxaa jira

Cudur aan dabiib iyo

Dawadisa maarada

Loo helin si diiqo

Doonistisa maalmiyo

Saban doora oo badan

Gacmo daalis lagu helo

Doonistiyo xalkiisna

Wakhti doora dabadeed

Dawadisi loo helay

Daraan mid dhayaysiyo

Ay u tahay dabiib badi

Soomalay dayacankaa

Daaduunka caydheed

Dhaxantiyo daybaylaha

Dawarsiga shisheeyaha

Dildilaacyadaadiyo

Dufaanta reernimo

Adiga is dabawada

Inaad noqoto duug iyo

Shay aan eegmo loo deyin

Daleesha adays dhigay

Hadaan arar u duur xulo

Sugaan duxdeedi

Geed damalaba beri

Dudo reer ku baaluqay

Dacalada caleemiyo

Laamaha u kala diray

Mudo dhawr gu, dabadeed

Baa dirici reerkaba

Doojinayey goorta

Gudin aad u daran uu

Kaga gooyey dacalada

Geedki jawaab daran

Iyo dood ku suure

Hadaan daab badhkaygi

Gudin door mihiiye

Dacad ku gargaarayn

Walee inaad i doonteen

Hinqashana dareenten

Goyna daaba weeyan

Bulshooy daranyadaadiyo

Doog ragaad ku yeeshiyo

Dhaawacyada ku degaye

Dusha haara ka baday

Waxa kugu dawgalay

Waa doqon siyaasiga

Docohaaga yuurura

Dadkalana qabaan u ah

Dabadhilifka gaalkee

Macdantaada doorka ah

Daayin adiga ku dhigay

U dal dala shisheeyaha

Bedelka iyo daynkeed

Daroogoyin ku gada

Kuwa dir iyo daabaca

Dumintaada lacag iyo

Doolar shilin ku iibsada

Damaqayga qiirada

Soomalay dareenli,

Doodiyo su,aashay

Kuwa kugu dugsiya reer

Bal keeba dadaalo

Darma naba ku dhiga

Durdur aad ku oon bixi

Dabool kaaga furayo

Ka durduuro kugu yidhi

Danabyada rasaastana

Markay kugu dabreeyaan

Mid damqada bal ii sheeg

Raga diidan nabadaa

Idinka u doodo

Dusha heeryo ugu sida

Sida duunyo xoolad

Idinkow dareero

Sida maal dar loo horay

Badi daba raqleeye

Soomalay dadaalo

Horta garo dadbaadtahay

Tasho oo isdaba qabo

Dulucdayda sheekada

Balan ku dulxaadahe

Duli haysku qaaybin

Sida habar dugaagana

Hays diiran adiguye

Diirimaadka nolaleed

Garo dawga loo maro

Daahba kama saarne

Dirqi haw guclaynine

U dadaala guulaha

Umiyuhu u daadegay

Carabcase202@gmail.com

Facebook mukhtaar carab bandaali

Wabilaahi tawfiiq

Attachments area

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here