Masuuliyiinta ay maamulkani usoo direen khalkhal galinta wada hadalka kooxda Khaatumo iyo Somaliland ayaa naloo sheegay inay kulan la qaaten cuqaasha iyo waxgaradka degmada Buuhoodle iyaga oona halkaasi ugu soo bandhigay qorshe ah inay diidaan ayna kasoo horjeestaan wada hadalkaasi iyo waliba gogosha madaxwaynaha Somaliland fidiyay ee ka dhacaysa magaalada burco.
Ilaa hadda ma jiraan warar rasmi ah oo kasoo baxaya in odayaasha iyo waxgaradka degmadaasi ee ay ragani xalay kulanka la qaateen inay aqblaleen qorshahan ay ula yimaadeen iyo inay diideen toona balse waxa xusid mudan in cuqaal iyo waxgaradka degmada Buuhoodle hore ay u hadleeen ayna sheegeen in ay soo dhawaynayaan wada hadalkaasi iyo waliba shirkaasi ka dhacay burco.
Ugu danbayntii xukuumadda somaliland ayan iyadu ilaa hadda talaabo cad ka qaadin faragalinta ay somaliland ku hayaan maamulka Puntland iyo waliba ragan ku dhex sugan gudaha somaliland ee wada qorshaha ay ku khalkhalinayaan wada hadaladaasi u furmay kooxda khaatumo iyo dawlada somaliland,waxaana la sugayaa talaabada ay qaadaan.