Maamulka Gobolka Saaxil Ayaa Sheegay Inay Joojiyeen Shaqaalihii Loo Qaadanayey Madaarka Berbera Kadib Cabashadii Dhalinyarada Berbera Iyo Kulanka Mamulka Madaarka .

0
25

Berbera (Saxilnews.com)-Gudoomiyaha Gobolka Saaxil Dr Axmed Maxamed Xaashi Iyo Kuxigeenka Duqa Berbera Nuur Cade  ayaa sheegay inay kulan la qaateen Maamulka Shirkada Madaarka Berbera kadib cabashadii dhakinyarada Berbera ay saaka ku tageen xafiiska gudoomiyaha Gobolka Saaxil isla markaana ay ka wada hadleen sifada ay usoo mareen qaadashada shaqaalaha cusub ee madaarka , waxay sheegay masuuliyiintu inay dib isugu noqon doonaan maamulka madaarka Berbera isla markaasina ay hab cadaalad ah umaridoonaan qaadashada shaqaalaha cusub iyagoo eegidoona shuruuucda iyo nidaamka u yaala dalka .

 

Waxaa uu gudoomiyaha Gobolka Saaxil usoo jeediyey dhalinyarada Gobolka Saaxil inay nabadgelyada ilaaliyaan maamulkana ay ka war sugaan taasi oo meesha ka saaray inaanay jirin ilaa had cid ay ogyihiin oo loo wado madaarka Berbera isla joojiyeen hawlihii shaqaalaysiinta ee ay  wadeen maamulka madaarka cusub ee Berbera isagoo intaasi ku daray inay xukuumada ahaan marwalba ay eegayaan cadaalada iyo xaqsoorida bulshada balse aanay dhici karinbuu yidhi wax sharciga ka baxsan in lagula dhaqmo dhalinyarada iyo bulshada Berbera .

 

WARARKA BERBERA

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here