MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW

0
28

MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW
Acww – Horta fasax iyo nasasho Allah gartay ayaan galay waxa Cajiib ah
Kitaab aan turjumay 2015 oo Ka hadlaya Nebi Muxamed Noloshiisii oo aan
haleeli waayay tafatirkiisa iyo soo saaristiisa ayay ii suurta gashay in
ayaamahaan fadhiyay aan dhamaystiro weliba waxuu ku soo beegmay waqti
nebiga la hadal hayo iyo dhalashadiisii SCW.
Waan daabici doonaa lkn Waxaan gartay in aan halkan idiin soo dhigo isagoo
WORD ah waayo macaash iyo faaiido laga raadin maayo ee in dadka la baro
diintooda oo ay helaan Kutub afkooda ku qoran. Insha allah qofkii helayaa hoos ha ka furto.Faraxaan Aadan Haybe Guddoomiyaha Hay’adda
Shaqaalaha Dawladda ayaa sidaa yidhi
MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED
SCW
Daraasad Koobaysa Qorshe-Hawleedkii Nebiga ee Maalinlaha ahaa
Waxa qoray
Dr Cabdiwahaab B.Naasir Al- Turayti
Makkah,
Waxaa turjumay
Farxaan Aadan Haybe
Hargeysa, Somaliland
Mahadnaq Qoraaga Buuga
Waxaan si qiime leh oo qoto dheer halkan uga mahadnaqayaa cid kasta oo igu
dhiir gelisay qoraalka kitaabkan oo ilaahay subxaanuhuye mahad oo dhan iska
leeyahay. Dabcan waxaan iyagana halkan uga mahad celinayaa dadka hoos
ku suntan;
Sheekh Cabdullaah Ibn Bayyax
Dr Cabdulwahaab Ibn Sulaymaan
Dr Axmed Baraa al-Amiri
Dr Cabdullaah Ibn Muxamed al-Qutxami
Dr Sacad Ibn Cattiyah al-Qaamidi
Dr Cabdullaah Ibn Cabdulraxmaan al-Subayh
Dr Axmed Ibn Muxamed al-Saqr
Dr Saami Ibn Cabdulcassis al-Majid
Dr Cabdullah Ibn Xamid al-Sakakir
Dr Khalid Ibn Fahad al- Bahlool
Mudane Jameel Muxamed al-Farisi
Mudane Saalix Ibn Xamuud al-Fowsaan
Mudane Yaasir Ibn Badr al-Xusaymi
Sheikh Muxamuud Shaaban Cabdul al-maqsuud
Kitaabkan mid kasta dadka kor lagu xusay ka mid ahi wuu sii eegay markii
nuqulka ugu horeeeya aan soo saaray. Sidaas ayay ku saxeen waxii u
baahnaa sixis ka dib markay aad u eegeen iina siiyeen dhiirigelin iyo weliba
talo. Si wayn ayaanan uga faa’iiday talooyinkoodii oo suurta geliyay in aan
dibu sixis iyo habayn ku sameeyo hab qoraalka. Waxaanay mid kasta oo ka
mid ah culimadaas iyo xubnaha kale ee sharafta mudani leeyahay ajrigiisa iyo
abaalkiisa.
Ilaahayna waxaan uga baryayaa inuu ugu naxariisto dadaalka ay geliyeen
kitaabkan.
TOP 10 HOTELS IN SOMALILAND
TOP 10 HOTELS OF SOMALIA
HALKAN KA DAAWO: BARNAAMIJKEENI
AQOON KORORSI; INAKO MAANTA DIIRADA
KU SAARAYNA TOBANKA QOF EE
ADUUNKA UGU HANTIDA BADAN
SANADKAN 2020
HALKAN KA DAAWO BARNAAMIJ KU
SAABSAN 10KA DAL EE DUNIDA UGU YAR
Warbaahinta Burco……
19,550 likes
Liked Share
TOP 10 HOTELS IN SO…
TOP 10 HOTELS IN SO…
TOBANKA QOF EE ADU…
11/2/2020 MAALIN KA MID AH MAALMIHII NOLOSHA NABI MUXAMED SCW
https://burcoonline.com/articles/99279/MAALIN-KA-MID-AH-MAALMIHII-NOLOSHA-NABI-MUXAMED-SCW 3/18
HORDHAC
Halkani waa magaaladii timirta iyo qalbigii nuurka islaamka ka soo fufay, waa
halka uu qalbiga nebigu SCW yaalay, waa magaaladiisii, dadkiisii. Waa
magaaladii markuu yimi wax kastaa nuur u siyaaday. Dadkeedu way
jeclaayeen soona dhoweeyeen, isaguna wuu jeclaa oo duceeyay.
Waxa ku taala Buurta Uxud oo nebigu SCW xidhiidh qoto dheer la lahaa aadna
uu jeclaa, iyaduna jeclayd. Waxa lagu tilmaansan karaa magaalo uu dhex
lugayn jiray, raadadkiisiina laga xusuusanayo ilaa maanta. Waxa halkan,
magaalada Madiina ku yaala masaajidkiisa oo qol yar oo ku dheganaa u ahaa
guri uu ku noolaa. Laakiin waxaa masaajidku ahaa madarasad, iskuul iyo
jaamacad ay wax ka barteen rag iyo dumar tiro badan. Waxuu ahaa halka
looga arimiyo islaamka.
Waxaynu kitaabkan ku eegaynaa shaqadii nebigu SCW qaban jiray ee
maalinlaha ahayd inagoo saacad saacad u eegi doona. Si aan uga
faaiidaysano qiimaha noloshiisa oo ahayd calaamad iyo badhaadhe ilaahay u
soo saaray bini-aadamka. Waxaan eegi doonaa noloshiisa caadiga ah siday
ahayd iyo masuuliyada Ilaahay saaray oo ah gaadhsiinta dadka diinta Ilaahay
ahna in aan Allaah kale jirin Ilaahay keligiis mooyee, muxamedna yahay
rasuulkiisii.
Nebigu SCW waqtigiisa waxuu ku isticmaali jiray ayaynu eegi doonaa, si aan
uga helo aqoon inagoo barbar dhigayna qof kastana u kordhin doonta dibueegis bal sida uu waqtigiisa u maamulo iyo faraqa dhaqan ee u dhexeeya
isaga iyo nebi Muxamed SCW. Nebiga SCW waxa la socday oo wax ka baran
jiray asxaabta oo dhan iyagoo qorayay, xifdiyay kagana dayan jiray ficiladiisa
oo dhan sababtaas ayay indhaha dadka oo dhami meel kasta ha joogee ula
socdeen. Ma jirin wax gidaaro ah oo qarinayay noloshiisa u gaarka ah ee
gurgiisa. Qalbiyada asxaabtiisa iyo indhahooduba sidaas ayay ula socdeen
iyagoo jecel isna uu jeclaa la jirkooda iyo la joogoodaba.
Nebi Muxamed SCW waxuu ilaalin jiray sidoo kalena ka faa’iidaysan jiray
daqiiqad kasta oo waqtigiisa ka mid. waxaanu aaminsanaa in daqiiqad kasta
waxa dhexdeeda la sameeyo la iska xisaabin doono sababtaas awgeedna
ujeedo macno leh looga faa’iidaysto.
Kitaabkan waxaan ku milicsan doonaa waayaha nololeed ee nebigeenii
Muxamed N.N.K.H.A inagoo wax ka baranayna meel kasta oo uu joogo;
masaajidka, guriga. Waxaynu arki doonaa isagoo hurda iyo isagoo soo jeeda
oo shaqo adag ku jira. Waxaynu soo dhex mari doonaa waxyaalo badan
tusaale: isagoo ilma yar laabta ku haya ama ilmo yar garabka ku sita.Waxa is
waydiin leh: side ayuu nebigan qaaliga ahaa uga soo baxay fariintii
ilaahay ugu soo dhiibay aadmiga? Sidee ayuu hawlihiisa shaqo isugu
duba ridan jiray? Siduu maalintiisa u isticmaali jiray?
Hadaba, aan wada eegno sida diranahan; nebiga, Ilaahay rasuulkiisa, Aabaha,
Saaxiibka iyo odayga uu u isticmaali jiray waqtigiisa. Taasna in aan ogaano
waa sababta kitaabkan aan u qoray: Maailin ka mid ah Maalmihii Muxamed (A
Day in the life of Muhamed)
Cabdul Wahaab Ibn Naasir al-Turayri
Makkah Jimce, 20/7/1431 Hijriga
Ereyga Turjumaha Kitaabkan

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here