MAAL QABEEN MUSUQMAASUQ LAGU EEDEEYAY

0
13

Maalqabeen reer Brazil ah oo xuddun u ahaa kiis musuqmaasuq oo uu ku luglahaa madaxweyne Michel Temer ayaa iskii isugu dhiibay booliiska faderaalka ah ee ku sugan magaalada Sao Paulo.

Garsoore ka tirsan maxkamadda sare ayaa maalqabeen Joesley Batista ku eedeeyay in uu qarinayo caddaymo looga baahnaa oo laga dalbaday.

Temer wuu diiday eedaymahaas wuxuuna sheegay in uu ahaa goobjooge ay adagtahay in la aqbalo caddaymaha uu hayo.

Batista ayaa ah madaxa shirkadda JBS oo ah midda ugu wayn adduunka ee hilibka warshadaysa.

Muuqaal qarsoodi ah ayuuna ka duubay Temer bishii May, iyadoo madaxweynuhu uu qiranayo in uu laaluush siisay siyaasiyiin reer Brazil ah oo saamayn leh.

Ninkan maalqabeenka ah ayaa heshiis la galay xafiiska dacwad oogaha.

Wuxuu bixin doonaa waxkaste oo uu ka ogyahay musuqmaasuqa la sheegay in uu dhacay isaga oo ku baddalan doona in dacwad oogeyaashu ay u naxariistaan isaga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here