‘Ma jiro Wax Yurub la dhaho, halkani waa Cadaab’

0
23
Scotti Kele (dhexda) iyo qoyskiisa

Scotti Kele waa mid ka mid ah dadka ugu nasiibka badan oo waxaa uu helay gaari gacan uu gabadhiisa 4 jirka ah ay ku fariisan karto si ay kuleylka qoraxda uga nasato.

Waxay haystaan maryo wasaq badan oo ay waddooyiinka ka soo uruuriyeen, islamarkana ma haystan waxaan ka ahayn dharka ay xiran yihiin.

Waxay daggan yihiin hoy ku yaalla waddada qarkeeda kana sameysan maryo la isku xirxiray.

Waxaa uu ka mid yahay 13,000 oo qof oo ku jiray xerada ugu wayn Yurub ee dadka muhaajiriinta taasi oo uu Talaadadii dab qabsaday.

“Gaajo ayaa halkan ugu dhimanaynaa, waxbo ma haysano,” ayuu yiri Scotti.

“Markii aan joogay dalkeygii Congo islamarkana ay dadka ka hadlaan Yurub, waxaan ku fikiri jiray xuquuqda aadanaha, balse wixii aan halkan ku arkay uma maleynayo in ay Yurub jirto eeg xaaladda ay carurteena ku sugan yihiin, noolashani waa cadaab xuquuqda ,” ayuu intaa ku daray.

Muhaajiriinta iyo qaxootiga ku sugan Moria ayaa waxay imika seexdan meel kasta oo ka tirsan jasiiradda Lesbos:

Waxaa ka mid ah goobaha ay seexdaan xarumaha laga tukaamaysto, goobaha gawaarida la dhigto, goobaha shidaalka iyo xitaa qabuuraha agtooda.

Qaar ka mid ah dadkan muhaajirinta ayaa socda iyaga oo caga cad oo aan kabo qabin gashana funaanado.

Cunnada iyo biyaha loo qeybiyo ayaa ah kuwa gabaabsi ah, haba sheegin musqulo.

Muhaajriin dibadbax ka dhigaya Jasiiradda Lesbos, 11 September 2020
Qoraalka sawirka,Muhaajriin dibadbax ka dhigaya Jasiiradda Lesbos, 11 September 2020

Waxaa ay mararka qaar muhaajiriinta isku dhacaan booliiska oo u isticmaala suntan dadka ka ilmaysiisa.

Qaar ka mid ah ayaa is abaabula iyaga oo dhigaya dibadbaxyo islamarkana sita boorar ay ku qoran yihiin “Moria way na dilaysaa” iyo “halkan naga qaada “.

Caagadaha ay biyaha ka dhameystaan ayay ku garaacayaan laamiga taasi oo ah durbaan muujinaya sida ay u raja dhigeen.

Balse dibadbaxooda ayaa markiiba dhamaada iyada oo ay ka xoog badinayso rejadooda.

Gubashadii xeradii ay ku jireen ee Moria ayaa waxay sababtay in xaalad bina’aadannimo oo cusub ay ka dhalato.

Ma aha oo kali ah in kumannaan qof ay hoy la’aan yihiin ee waxaa sidoo kale jira 35 qof oo xeradaasi ku jiray in laga helay feyriska Coronna islamarkana intooda badan lama oga goobta ay ku sugan yihiin.

Xukuumadda Giriiga ayaa sheegtay in dabkii ka kacay xeradasi ay ka dambeeyeen qaar ka mid ah muhaajiriinta oo dibadbax sameynayay.

Balse dadka muhaajiriinta ayaa beeniyay eedeyntaasi, iyaga oo sheegay inay ka dambeyeen qaar ka mid ah dadka ka tirsan midigta fog kuwaasi oo ku sugan jasiiradda Lesbos,oo iyaga ka careysan muhaajiriinta Yurub ku soo qulqulaya.

Shacabka jasaiiradaasi ku dhaqan ayaa waxay sanooyiinkii u dambeeyay ka careysnaayeen in jasiiradooda ay noqotay meel marin u ah dhibaatada muhaajiriinta u socda Yurub.

“Waxay gubeen teendhooyiinkeena – waxayna dhaheen ma aanan gubin, balse run ma aha,” waxaa sidaasi tiri Nargis Amini oo ka soo jeedafrom Afghanistan.

“Dadka Giriiga ma doonayaan in qaxootiga ay halkan joogaan, waa in aan ku cararno buuraleyda si aan nafteen u badbaadino, waxaa aan hadda ku nool nahay noolasha xayawaanka ku nool duurka, balse ma nihin xayawaan ee fadlan na caawiye,” ayay intaa ku dartay

Waxaa loo qeybiyaan muhaajiriinta biyo iyo waxyaabo kale o ay cunaan
Qoraalka sawirka,Waxaa loo qeybiyaan muhaajiriinta biyo iyo waxyaabo kale o ay cunaan

Xiisadda ayaa halkan aad u sareysa islamarkana qaar ka mid ah dadka deegaanka ayaa xiraya waddooyiinka si ay u hor istaagaan in hay’adaha samafalka ay gargaar gaarsiiyaan muhaajiriinta.

“Intaa dulqaad noogu filan,waa in ay ka tagaan Giriiga,” waxaa sidaasi yiri Rafail Tsolakis, oo ka mid ah dibadbaxayaasha ka soo horjeeda muhaajiriinta.

“Ma wada joogi karno dadkan, haddii xero cusub la dhiso waxaa cad in mar kale ay dab qabadsiin doonaan.”

Xerada Moria ayaa ahayd mid buux dhaaftay islamarkana mararka qaar dambiyo ay ka dhacaan ka dib khilaaf dhexmara muhaajiriinta ka soo kala jeeda dalalka kala duwan.

Khariirad muujinaysa xerada Moria
Qoraalka sawirka,Khariirad muujinaysa xerada Moria

Balse wadamada midowga Yurub oo ay sii kordhayaan fikradaha looga soo horjeedo qaxootiga ayaan iyagu doonayn in albaabada u furan muhaajiriinta.

Wadamada ay muhaajiriinta ka soo dhacaan sida taliyaaniga iyo Gariiga ayaa loogu baaqay inay halkaas ku hayaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here