Tababaraha kooxda Manchester United ee Paul Pogba ayaa lagu soo warramayaa inuu iska diiday laba ciyaaryahan oo Juventus ka tirsan oo loosoo bandhigay inuu ku bedesho khadkiisa dhexe ee Paul Pogba oo dib loola xidhiidhinayo kooxda Serie A difaacanaysa.
Sida ay sheegayaan warar kala duwani, xiddiga kusoo guuleystay koobkii aduunka ee ugu dambeeyay ayaa iskaga tagi kara Old Trafford marka uu suuqu furmo dhammaadka xilli ciyaareedkan.
Manchester oo la sheegay inay go’aan ka gaadhay mustaqbalka Pogba ayaan haddana doonayn inay marnaba si sahlan oo fudud ku bixiso ciyaaryahankeeda.
Man United ayaa toddobaadyadan ugu dambeeyay heshay qaab ciyaareedka ugu fiican ee Pogba oo ka dhigay kuwo u tartamaya horyaalka Premier League.
Pogba ayaa noqon doona mid xor ah oo bilaash lagu heli karo sanadka 2022 taas oo la micno ah inay fursada ugu fiican ee ay lacag kaga samayn karto Man United haysato gudaha sanadkan 2021.
Dhibka ayaa ah in Bianconeri ay doonayaan inay heshiis ciyaaryahano is-dhaafsi ah ku qaataan haddiiba ay dib ula saxeexanayaan 27 sano jirkaas.
Sida uu sheegayo wargeyska Calciomercato, Ole Gunnar Solskjaer ayaan doonayn inuu isku bedelasho Juventus kaga soo qaato labada ciyaaryahan ee kala ah Aaron Ramsey iyo Douglas Costa.
Ramsey ayaan marnaba noqon sidii ay Juventus ka filanaysay tan iyo markii uu qaabka bilaashka ah ugaga biiray dhinaca Arsenal sanadkii 2019.
Si lamid ah Costa ayaan muhiim ka ahayn Juve isaga oo hadda amaah ugu maqan kooxdiisii hore ee Bayern Munich.