Waxaana la sheegay in markii gudoomiyuhu usoo gudbiyay warqadaasi uu diiday madaxwaynuhu inuu aqbalo,taas badalkeedana uu gudoomiyuhu aqbalay diidmada madaxwayne Siilaanyo.
Waxaana xoguhu sheegeen in madaxwayne Siilaanyo guddi u saaray tabashadii u tirsanayay Ibraahin Xasan Xaaji Cali isla markaana la xaliyay.
Diidamadan madaxwayne Siilanyo ee iscasilaada gudoomiyihii gobolka Hawd ayaa waxa ay kusoo beegmaysaa xilli ay muddo kooban ka hadhsan tahay doorashadii madaxtooyada Somaliland.