“Ma Aqbalayo Inuu Mareykanka Kenya Ka Fuliyo Duqeymo…” Uhuru Kenyatta

0
18

Madaxweynaha waddanka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa sheegay an aanu oggolaan doonin in millatariga Mareykanka ay duqeymo cirka ah ka geystaan gudaha Kenya, isagoo beeniyay wararka sheegaya in aqalka Pentagon-ka uu oggolaasho weydiistay Kenya.

Sida lagu daabacay Wargeyska New York Times bishii la soo dhaafay millatariga Mareykanka ayaa oggolaasho u doonaya inay duqeymo cirka ah ka egystaan qeybo ka tirsan bariga Kenya, iyaga oo ku beegsanaya kooxda Alshabaab “.

“Howlo argagixiso way jiraan balse saldhigyo argagixso kuma lihin gudaha Kenya. Sidaas darteed, ma jirto waxaas,” ayuu yidhi madaxweyne Kenyatta oo booqasho rasmi ah ku jooga Fransiiska.

Weerar ay bishii January Al-Shabab ku qaadeen saldhig Mareykanku ku leeyahay Kenya ayaa waxaa ku dhintay hal askari oo Mareykan ah iyo laba kale.

Warkan ayaa imaanaya iyadoo maalmo kahor ay maxkamad millatari oo ku taalla Soomaaliya ay xabsi daa`in ku xukuntay sarkaal ka tirsan Alshabaab oo lagu eedeeyay inuu door ku lahaa weerarkaas.

Waa weerarkii ugu horreeyay ee ay Al-Shabab ku qaadaan ciidamada Mareykanka ee ku sugan Kenya. Mareykanka ayaa badanaa weerarro cirka ah oo uu ku bartilmaameedsado Alshabaab ka fuliyaa dalka Soomaaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here