Loollan Adag Oo Siyaasadeed Oo Magaalada Muqdisho Ku Dhex-Maraya Mahdi Guleed Iyo Isbahaysiga Ay Hoggaamiyaan Cabdi Xaashi, Foosiya Iyo Mareeye

0
24

Magaalada Muqdisho ayaa waxa muddooyinkii ugu dambeeyey ka socday dagaal Siyaasadeed u dhaxeeyay siyaasiyiinta Somaliland ka soo jeeda ee xilka ka haya Dowlada Xamar iyo kuwa ka soo qabtay,kaas oo hadda maraya heerkii ugu adkaa , iyadoo ay dhinacyadu adeegsanayaan xirfaddo kale duwan oo ay kooxiba kooxda kale ay doonayso inay kaga guulaysato.

Dagaal siyaasadeed ka dhex-qarxay siyaasiyiinta reer Somaliland ee u shaqo tegay Xamar ayaa ah mid aan noociisa hore loo arrag ama aan dhex-mari siyaasiyiinta ka soo jeeday Somaliland ee Dowladii kale dambeeyey ee Xamar xilalka ka soo qabtay 30-kii sanno ee ugu dambeeyey, waxaanay kuwaas ahayeen qaar iyaga oo isku mid ah magaca Somaliland kuwad qadhaabta,Haseyeeshaa hadda waxa muuqata inuu khilaaf soo kale dhex-galay,kaas oo ah mid salka ku haya xubnaha soo xulaya.

Dhanka kalene Khilaafkan ayaa ah mid la xidhiidha soo magacaabista xubnaha guddiga doorashada ee matalaya gobollada waqooyi,kaas oo ah mid u dhaxeeya Raysal Wasaare ku-xigeenka Somaaliya Mahdi Khadar Guleed oo isagu tabacsan inay xukuumaddu leedahay inay guddidaas soo magacowdo iyo Isbahaysiga uu hoggaaminayo Guddoomiyaha Aqalka Sarre ee Somaaliya Cabdi Xaashi Cabdilaahi oo ay kamid yihiin Foosiye Yusuf Xaaji Aadan Iyo Maxamed Cabdi Xayir Maareeye iyo Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sarre ee Somaaliya Ibraahim Iidle Suleymaan,kuwaas oo iyaguna aaminsan in ay iyagu xaq u leeyihiin guddidaas inay soo xushaan si lamid ah maamul gobolleedyada kale ,waxaanay aaminsan yihiin in Cabdi Xaashi loo daba fadhiisto soo macagaabista xubnaha guddida doorashada ee matalaya gobollada waqooyi.

War-murtiyeed ay dhawanaa soo saareen ayaa u dhignaa In Dir-Waqooyi hogaankooda u sareeya uu yahay Gudoomiye Cabdi Xaashi, isla markaana ay u daba fadhiisanayaan inuu soo magacaabo guddiga doorashada ee matalaya gobollada waqooyi.

Geesta kalena Raysal Wasaare ku-xigeenka Somaliya Mahdi Khadar Guleed oo isagu wata koox dhalin yaro u baddan, ayaa isagu doonaya inuu hirgalo go’aanka ay Xukuumadda uu ka tirsan yahay ee Madaxweyne Farmaajo ay ku magacowday xubnaha uu isagu keenay guddida doorashada ee matalaya gobollada waqooyi,kuwaas oo ay doonayaan inay soo saaraan xildhibaano taabacsan,isla markaana hadhow la rabbo inay codadkooda au ugu shubaan Farmaajo marka la gaadho doorashada ,waxaanu Mahdi arrintaas u arrkaa mid uu mar kale saaxada ugu soo noqon karro, halka haddii ay xubnaha guddida doorashada ee matalaya gobollada waqooyi ay soo magacabaan Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo kooxdiisu uu u arko inuu saaxada siyaasadda ka baxayo

Sidoo kalena Guddoomiyaha Cabdi Xaashi Cabdilaahi iyo Foosiya Yusuf Xaaji Aadan iyo Xayir Mareeye Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sarre ee Somaaliya Ibraahim Iidle iyo madax-dhaqameed iyo xubno kale ayaa ka soo horjeestay inay xubnaha ay xukuumaddu magacowday ay guddida doorashooyinka u metelaan Dirka Waqooyi,waxaanay Xukuumadda uu Raysal Wasaarre xigeenka ka yahay Mahdi Guleed ay si cad ugu sheegeen in aanay aqbalayn marnaba xubnahaas ay igmatay,iyagoo sheegay in aanay Kismaayo iyo Garowe iyo Baydhabo aanay farogelin xukuumaddu, balse ay iyagu soo xusheen xubnaha uga midka noqonaya guddida doorshada dadban,haseyeeshe Cabdi Xaashi iyo Siyaasiyiinta la arragtida ah ayaa aaminsan in haddii uu hirgalo qorshaha xukuumadda Farmaajo ee ah xubnaha ay soo dhabar taabateen inay u matalaan guddida soo xulista xildhibaanada waqooyi in aanay mansabada ugu sareeya haysan doono,isla markaana cagta hoosteeda lagu hayn doono haddii uu Farmaajo guulaysto.

Guddoomiyaha Aqalka Sarre ee Somaaliya Cabdi Xaashi ayaa toddobaadkan soo saaray wareegto taas oo uu ku magacaabay magacaabay guddiga doorashada ee soo xulista xubnaha xildhibaannada ee matalaya gobollada waqooyi.Warqad qoraal ah oo ka soo baxday xafiiska Guddoomiye Cabdi Xaashi ayuu ku magacaabay ilaa 8 xubnood oo uu sheegay in ay maamuli doonaan doorashada xubnaha xildhibaannada ee gobollada waqooyi.

Cabdi Xaashi ayaa ka dalbaday Ra’isulwasaare Maxamed Xuseen Rooble inuu howlgeliyo guddigan uu maanta magacaabay iyo afar xubnood oo kale oo uu horey guddoomiyuhu ugu magacaabay in ay ka mid noqdaan guddiyada Hergelinta Doorashada ee heer federaal iyo Guddiga Xallinta Khilaafaadka.

Si kastaba ha-hatee waxa sida cirtoobta cirka isku sii shareeraya loollanka siyaasadeed ee u dhaxeeya Raysal Wasaare xigeenka oo garabsanaya Farmaajo iyo Siyaasiyiinta isbahaysiga Dirka Waqooyi ee uu hoggaaminayo Guddoomiyaha aqalka Sarre ee Somaliya Cabdi Xaashi Cabdilaahi,waxaana la isku hayaa waa guddiga doorashada ee soo xulista xubnaha xildhibaannada ee matalaya gobollada waqooyi,waxaynu dhawrnaa waa halka ay saldhigato xaajadu iyo cida ay teeda noqota, Kooxda Mahdi Guleed iyo Isbahaysiga Guddoomiye Cabdi Xaashi, Foosiya Yusuf Xaaji Aadan iyo Xayir Mareeye Guddoomiyihii hore ee Maxkamadda Sarre ee Somaaliya Ibraahim Iidle iyo xubnaha kale.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here