Hargeysa (Saxilnews)- Tan iyo markii si rasmi ah hogaanka xisbiga taladda dalka haya KULMIYE ugu dhawaaqay xiliga la qabanayo shirweynaha golaha dhexe ee xisbigaasi waxa bilaabmay in siyaasiyiinta ku jira Xisbiga KULMIYE ee damaca lihi galka seefta ka saaraan isla markaasina nin waliba karaankiisa iyo rabitaankiisa ku dabakho damaca iyo hanka uu leeyahay, soona bandhigo doonistiisa,
Warar xog ogaal ah oo wargeyska Sahan ka helayo ilo looga qaateen ah ayaa tibaaxaya in liiska murashaxiinta madaxweyne Xigeen ee xisbiga Kulmiye is golle keenay ay hada kusoo biireen Wasiir Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland, Maxamed Jama Abgaal iyo weliba Siyaasi-yada Amaal Xaaji Axmed Miisaan- la taliyaha Madaxweynaha ee arimaha haweenka.
Labadan masuul midna ilaa hadda si rasmi ah uma shaacin hankiisa balse xoguhu waxay tibaaxayaan inay kaambayn iyo olole hor leh dhankooda ka bilaabeen gobolada galbeedka Somaliland siiba gobolka Awdal.
Ilaha werinaya xogaha ku aadan siyaasiyaantan waxay xuseen in Wasiir abgaal uu isagu calaamadsaday siyaasiga uu murashaxa madaxweyne xigeen unoqonayo isla markaasi uu Mudane Muuse Biixi Cabdi siweyn utaabacsan yahay rabitaankiisuna yahay in murashax madaxweyne Xigeen umetelo mudane Muuse Biixi.
Geesta kale Marwo Amaal Xaaji Miisaan ayaa iyadana la hadal hayaa inay weli ku jirto kala xulashada masuulkii ay garabka saari lahayd baarqabada hirdamaya ee Xisbiga KULMIYE, balse ilaa hada macadda siyaasiga ay taabacsan tahay waxana xusid mudan in Marwo Amaal hore uga mid ahayd siyaasiyiin ay isjiidheen madaxweyne Xigeenka Somaliland Cabdiraxmaan saylici xiligii xulista golaha dhexe ee kulmiye oo Amaal ay waqtigaasi dhinaca saartay Muj Muuse Biixi oo Zeylici kasoo horjeeday.
Si kastaba ha ahaate filashada dhawaaqa xubnahan cusub iyo jirataanka arintani waxay Xaraarada kusii shidaysaa ololaha musharaxiinta Xisbiga Kulmiye oo ilaa hada la hadal hayo inay jagada madaxweyne xigeenimo ku loolamayaan Cabdiraxmaan Saylici oo ah M/kuxigeenka Somaliland, Afhayeenka Golaha Guurtida ee Cabdiqaadir Indho indho, Wasiirka waxbarashada Geedoole Iyo labadan Siyaasi ee Wasiir Abdaal iyo Marwo Amal oo la filayo inay hada kusoo biiraan saaxada.