Bridger Walker, oo ah wiil geesi ah oo 6 sano jir ah, ayaa si wayn loogu amaanay baraha bulshada ka dib markii uu walaashiis ka badbaadiyay eey soo weeraray.
Wiilka ayaa tallaabo degdeg ah oo difaac ah qaaday markii eeyga uu soo aaday dhanka walaashii oo 4 sano jir ah.
Sida ay baahisay CNN, eeyga weerarka ka dambeeyay wuxuu jiray 1 sano, sida qoyska ay ku sheegeen warbixin.
Eeygaas ayaa si xun u weeraray wiilka, wuxuuna u geystay dhaawac ba’an.
“Waxaa la yaab ah in eeyga halkii uu ordi lahaa inuu weeraray Bridger uuna ka jeexay dhabanka”, ayaa lagu yiri qoraalka qoyska oo ay soo xigteen qaar ka mid ah warbaahinta Mareykanka.
Wiilkan ayaa la marsiiyay laba saacadood oo uu saarnaa saallada isbitaalka, waxaana muddadaas laga tolayay dhaawaca uu eeygaas u geystay. Waxaa la tolay 90 qodob, sida qoyska laga soo xigtay.
Markii uu aabihii weydiiyay sababta uu eeyga uga hor istaagay walaashii wuxuu ku jawaabay: “Haddii qof uu dhimanayo waa in aniga uu noqdo,” sida ku xusan qoraal ay heshay warbaahinta CNN.
Wiilka eedadii ayaa baraha bulshada ku baahisay sawirradiisa taas oo soo jiidatay dareenka dad aad u badan oo kuwa caan ah ay ka mid yihiin.
Waxaa ka mid ah atariishada caanka ah ee Anne Hathaway oo tiri: “Ma ahi qof aarguta, balse waxaan garanayaa geesi, waxaanna arkay mid.” Waxay farriintaas ku qortay sawirka Bridger oo ay barteeda Instagram ka soo dhigtay.
Farriinta ay atariishadaa baahisay waxaa like saaray in ka badan 1 milyan oo qof, kumannaan kalena waxay ka dhiibteen aragtiyo kala duwan.
Qoyska wiilkaas waxay sheegeen in Jilaayaal ay ka mid yihiin Ruffalo, Tom Holland, Hugh Jackman, Zachary Levi, Walaalaha Russo iyo Robbie Amell, ay xiriir la soo sameeyeen.
Eedadii waxay sheegtay in sababta arrintan ay u baahisay ay tahay sidii ay hadallo dhiiragelin ah uga heli lahaayeen dadka kale ee geesiyada ah.
“Waan jeceylnahay wiilkeenna halyeyga ah, waxaanna dooneynaa in dadka kale ee geesiyada ah ay ogaadaan halyeygan cusub ee ku soo biiray”, ayey tiri.
Dhacdooyiinkii hore ee eeyaha
Eey soo badbaadiyay wiil isaga oo nool ay hooyadii god ku aastay
Eey ayaa waqooyiga dalka Thailand soo badbaadiyay wiil yar oo markaasi dhashay oo isaga oo nool ay god ku aastay hooyadii oo dhawr itoban jir ah.
Wiilkani yar ayaa sida la sheegay waxaa godka ku aasatay ka dibna isaga dhaqaajisay hooyadii oo 15 sano jir ah, si ay waalidkeeda uga qariso ilmahaasi ay dhashay oo aan lala ogeyn.
Eeygaasi oo lagu magacaabo Ping Pong ayaa lugta ku qoday halkii uu wiilkaasi yar ku aasnaa, ka dibna waxaa uu arkay lug meel ka soo jeeda, sida uu sheegay milkiila eygaasi.
Dadka deegaanka ayaa markiiba wiilkaasi ula cararay isbitaalka, waxaana dhakhaatiirtu ay markiiba billaabeen in ay u qabeeyaan ka dibna waxa ay shaaciyeen in wali uu nool yahay oo caafimaadkiisu wanaasgan yahay.
Milkiilaha eygaasi, Usa Nisaikha, ayaa sheegaya in Eeygiis uu beelay hal lug ka dib markii uu jiiray baabuur.
Usa Nisaikha ayaa wargeyska Khaosod u sheeggay “sababta aan Eeygani u haysta ayaa ah daacadnimadiisa iyo in uu baari ii yahay. Waa uu icaawiyaa mar kastaa oo aan beerteyda aado oo aan soo eegaya lo’deyda. Waa Eey dadka tuuladan oo dhan ay aad u jecel yihiin. Wa mid cajiib ah.”
Hooyada dhashay wiilkaasi yar ayaa maxkamad la soo taagay, waxaana lagu soo eedeeyay in ay cannugaasi dayacday iyo in ay isku dayday in ay disho.
Panuwat Puttakam oo ah sarkaal ka tirsan booliska dalkaasi ayaa wargeyska Bangkok Post u sheegay in hooyadaasi da’da yar haatan lagu wareejiyay hooyadeed iyo dhakhtar ku takhasasusay cilmi-nafsiga oo aad ula talin doono.
Gabadhaasi ayaa sheegtay in ay aad uga qoomamaynayso ficilkaasi ay ku kacday ee ah in ay god ku aasto wiilkaasi yar, waxaana haatan ay labadeeda waalid go’aansadeen in ay koriyaan cannugaasi yar.
Boolis qabtay tuug lama filaan ah oo muddo la raadinayay
Ciidamo boolis ah oo ku sugan Massachusetts waxay qabteen tuug alaabo ka xadayay goob lagu uruuriyo qalabka carruurta ee sadaqada ah – wuxuu ahaa eygii xafiiska ka shaqeynayay.
Booliska oo ka howlgala Franklin waxay dadka ka soo uruuriyeen alaabta carruurta ku cayaaraan, waxayna u diyaariyeen in xilliga ciida masiixiga ah la siiyo in carruurta ay reerahooda saboolka yihiin.
Balse alaabtii waa uun la waynayay, waxaana looga shakiyay mid ka mid ah askarta. Ugu dambeynta waxaa lagu dhawaaqay baaritaan rasmi ah.
Wax badanba kama soo wareegan, eyga oo lagu magacaabo Ben Franklin, oo loo adeegsado daweynta, ayaa lagu qabtay isagoo sii xadaya alaabtii.
Muuqaal ayaa laga dhex arkay eyga oo sii sita dambiil yar oo boombale uu ku jiro oo sii dhaafaya askarta, waxayna u sii raaceen illaa meesha uu alaabta ku qarinayay.
Macluumaadkan lama heli karo
Faahfaahin ka eeg FacebookBBC masuul kama ahan macluumadka bogagga kale ee dibadda.
Dhammaadka Facebook boggan, 1
Wuxuu gelinayay miis hoostiisa halkaas oo laga helay dhammaan alaabtii uu qaatay.
Taliye ku xigeenka booliska Franklin, James Mil wuxuu wargeyska Boston 25 u sheegay: “Goobta oo dhan ayaa la xiray, waana ogeyn in ay fududahay in la helo xatooyada qofka ka dambeeya, balse Ben ayuu noqday. Markii Ben uu arkay boombaleyaasha, wuxuu mooday in uu isaga leeyahay.”
Wuxuu intaa ku daray in Ben laga mamnuucay in uu u dhowaado qolka lagu uruuriyo alaabtan sadaqada ah, sidoo kalena dhamaan kuwii uu qaatay waaloo daayay, kuwa kale ayaana lagu badalay.
Ben Franklin waa eey dhakhtar ah oo dadka ka qosolsiiya. Waxaa la geeyaa iskuullada, wuxuuna waqti la qaataa ardeyda dhibaatada ay haysato.
Mr Mill wuxuu yiri: “Wuxuu ku dhex wareegtaa saldhigga, waana arrin aad u fiican. Waa sida qof marka uu xafladda yimaado uu qof kasta jeclaanayo, dhab ahaantii haddii Ben uu soo galo halkan waa sida iftiinka qoraxda oo soo baxay