Hargeysa(Saxilnews.com)Ninkan ayaa u dhashay dalka Ukraine wuxuuna ku guuleystay in laga dhaafo howl uu kaga qeybgali lahaa Ciidamada oo qasab ka ah dalkaa isagoo qabay haweeney 81 jir ah oo uu qabay labo sano inkastoo aad loogu dhalliilay arrintaa .
Sanadkii 2017 ninkan oo layiraahdo Alexander ayaa loo geeyey qoraal looga codsanayo shaqada qaranka siiba ciidamada in uu galo muddo sand ah .
Sharciga arrintaa la xiriira ayaa afaraya dhammaan in ragga dalkaa ee da’doodu u dhaxeyso 18 ilaa 26 ay ka qeybgalaan shaqada qaranka oo ay la shaqeynayaan militariga haddii aanu ninkaasi aheyn nin qaba haweeney curyaan ah ama da’ ah taas oo keliya ayaana shaqada qaranka looga dhaafi karaa
Sidaas ayuu Alexander uu ku qanciyey haweeney 81 jir ah oo ay qaraabo ahaayeen oo curyaan ah in noqoto xaaskiisa cusub iyadoo haatan uu sidaas kaga haray shaqadii qaranka .